U bood dhigaalka

Jaamacadda Carabta Oo Cambaareysay Faragelinta Ay Iran Ku Heyso Dowladaha Carabta

Sheeko:Dalka

Wasiirada arrimaha dibadda Carabta oo dhaleeceeyay dowladda Iran waxayna ku tilmaameen inay farogelin ku heyso arrimaha carbeed, waxayna ku tuhmeen ururka Xisbullahi oo ka dhisan Lebanon ayna taageero Iran inay taageero siyaan kooxaha argigixisada ah.

Wasiirada arrimaha dibadda Carabta ayaa waxay sheegeen in faragelinta Iran ay quudineyso is qabqabsi kooxeed iyo mid madhab ay oo ka abuurmo bariga dhexe.

Bayaanka gabagabada ah ee laga soo saaray kulanka wasiirada dibadda ee carabta ayaa waxaa lagu sheegay in ururka Xisbullah uu taageero argigixisada iyo kooxaha argigixisada kuwaas oo ka dhex jira dowladaha Carbata waxayna adeegsadaan hub horumarsan.

Shalay ayey aheyd markii magaalada Qaahira ee caasimadda Masar oo xarun u ah ururka Jaamacadda Carabta ay kulan ku qabsadeen wasiirada arrimaha dibadda ee Carabta kaasi oo looga arrinsanayey farogalinta ay Iran ku heyso dowladaha Carabta.

Kulankaani ay isku imaadeen wasiirada waxaa soo jeediyey in la qabto dowladda Sacuudiga waxaana ku raacay Imaaraadka, Baxreyn, Kuwait iyo Masar balse wasiirka arrimaha dibadda Lebanon waxaa uu sheegay inuusan ka qeybgaleynin shirka lagu qabanayo Qaahira.

Goobjoog News