U bood dhigaalka

Jaamacadda Carabta Oo Soo Dhaweysay Go’aanka ICJ

Sheeko:Amniga

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa war ka soo saaray go’anki dhawaan maxkamadda ICJ ay ugu kala xukuntay badda Soomaaliya iyo Kenya.

Dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in ay aad u soo dhaweynayaan go’aanka maxkamadda ee Soomaaliya loogu xukumay in ay ku guuleysatay doodeeda ku aaddan in ay biyaha iyada leedahay.

War-saaxafadeed ay soo saareen uururka Jaamacadda carabta ayaa lagu sheegay in guusha Soomaaliya ay aheyd guul weyn.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, oo Soomaaliya Shirka Jaamacadda Carabta oo dhawaan qabsomay uga qeyb galay ayaa sheegay in ururka ay sidoo kale isku raaceen in la xoojiyo taageridda ay siiyaan dowladda iyo dadka Sooamaaliyeed.

Jaamacadda Carabta ayaa Soomaaliya sidoo kale ugu baaqday in la dardar geliyo howlaha doorashooyinka 2021 ee dalka ka socda.

Goobjoog News