U bood dhigaalka

Jaamacadda Dhaa’if Oo Deeq Waxbarasho Siisay Dalal Ay Soomaaliya Ku Jirto

Sheeko:Dalka

Jaamacadda Dhaa’if ee ku taalla boqortooyada Sacuudiga ayaa deeq waxbarasho siisay ilaa 90 arday oo u kala dhashay 18 dal oo caalamka ah.

Ardayda ay jaamacaddan aqbashay waxaa ka mid ah kuwo u dhashay Soomaaliya, Indonesia, Philippines, Afghanistan, Malaysia, Ruushka, Masar, Suudaan, Libya, Mali, UK, Comoros, Bosna Herzegovina, Senegal, Moroco, Falastiin, Nigeria iyo Maldives. Jaamacadda ayaa  aqbashay sanad waxbarasheedka soo socda ee 1439-1440 ee Taariikhda Hijriyada.

Maamulka Jaamacadda oo deeqaha waxbarasho ka hadlayey ayaa sheegay in ay ka shaqeyn doonaan sidii ay arday uga keeni lahaayeen dalal kala duwan, weliba ardayda kaalimaha sare galay, si ay u helaan dhammaam takhasusyada kala duwan ee waxbarsho marka laga reebo takhasusyada caafimaadka.

Jaamacadda Dhaa’if ayaa waxa ay bixisaa labo nuuc oo deeq waxbarasho ah kuwaasi oo loogu talo galay in ay ka faa’deystaan ardeyda ku sugan gudaha Sacuudi Carabiya iyo kuwa ka yimaada dibadda Boqortooyada.

Adeegyada ay helayaan ardaydani waxaa ka mid ah daryeel caafimaad oo bilaasha ah, lacago, bugaag, bixinta tikidhyo bilaash ah iyo kuwo kale oo badan.

Goobjoog News