U bood dhigaalka

Jaamacadda hargeysa Oo Markii Ugu Horreysay Bilowday Kulyadda Barashada Cilmiga Warbaahinta

Sheeko:Dalka

Jaamacadda Hargeysa ayaa markii ugu horreysay bilowday kulyadda barashada Cilmiga Saxaafadda, dhaqaalaha lagu bilaabay kulyaddan ayaa waxaa bixiyey dowladda UK gaar ahaan safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya.

Kulyadda Cilmiga Warbaahinta oo ay soo kordhisay Jaamacadda Hargeysa waxaa lagu bilaabay 28 ardey oo ah Saxafiyiinta ka shaqeeya magaalada hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Saciid Maxamed Jabriil waa guddoomiye ki xigeenka Jaamacadda Hargeysa waxaa uu Goobjoog uga warbixiyey heerarkii kala duwanaa oo ay soo martay in la bilaabo Kulyaddan cusub ee lagu baran doono cilmiga Warbaahinta.

“Qorshaheennu waxaa uu ahaa mar uun inaan bilowno waliba sida ugu dhaqsiyaha badan inaan ku bilowno cilmiga warbaahinta, sanadkaan ayaan bilownay waana ku guuleysannay “.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee “SOLJA” ayaa iyagu dhankooda waxay kaalin muuqata ku lahaayeen in la yegleelo kulyadda barshada Cilmiga Warbaahinta ee lagu soo kordhiyey Jaamacadda hargeysa  Maxamuud Cabdi Jaamac Xuutow oo ah guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa ka hadlaya kulyaddaan iyo muhiimadda ay leedahay.

“Saxaafadda Somaliland waxay soo martay heerar kala duwan oo qaraar, waxay ka mid aheyd dalkaan hay’adihii ugu horreeyay oo bilaabay adeegga, sidaad oo ay tahay marna ma aysan helin in xukuumadihii kala duwanaa ay mas’uuliyad iska saaraan”.

Goobjoog News