U bood dhigaalka

Jaamacadda Islaamiga Ah Ee Indonesia Oo Ardayda Dhigata Ka Mamnuucday Xirashada Indhashareerka

Sheeko:Dalka

Jaamacadda Islaamiga ah ee Indonesia ayaa ka mamnuucday gabdhaha ardayda ah ee dhigta Jaamacadda in ay xirtaan indhashareerka.

Arrintani ayay Jaamacaddu ku macneysay in laga shaki qabo afkaarta xagjirnimada ah in ay ku dhexfaafto gudaha Jaamacadda, ururrada Islaamka iyo kuwa u dooda xaquuqda dumarka ayaa cambaareeyay hadalka ka soo baxay Jaamacaddan.

Madaxa Jaamacadda ayaa sheegay in 41 gabdho ah oo dhigta jaamacadda lagu wargeliyey in ay iska dhigaan indhashareerka haddii ay doonayaan in ay sii dhigtaan Jaamacadda.

Madaxa jaamacadda ayaa sidoo kale caddeeyay in xagjirnimadu ay wiiqeyso waxbarashada indhashareerkuna uu la mid yahay xagjirnimada ama uu ka sii daran yahay.

Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in gabdhaha xirta indhashareerka iyo kooxaha xagjirka ah ay carqaladeynayaan waxbarashada.

Goobjoog News