U bood dhigaalka

Jaamacadda SIMAD ayaa Xarunta Dhexe  ku qabatay bandhig loogu magac daray Maktabadda Buugta-nool“Human Library”.

Sheeko:War

Bandhigaan oo ahaa kii ugu horeeyay ee abid lagu qabto Geeska Afrika ayaa waxaa  kasoo qeyb galay Madaxda ugu sareeysa jaamacada SIMAD,  arday  fara badan oo ka kala socotay Jaamacaddaha dalka, macalimiin iyo marti kale oo dhamaantood qeyb ka ahaa bandhiga.

Human library waa bandhig  loogu talo galay in akhristayaashu la kulmaan  dad halkii ay ka aqrisan jireen buugaagta daabacan  taas oo loola jeedo in dadku ay yihiin buugag-nool .

“Buugtan-nool  waa  dad goob joog usoo ahaa amaba ayaga naf ahaantooda  la kulmay tacadiyo bulsheed  badan  oo ku qotama Quursi, eex, qof jecleysi amaba takoor iyo xaalado lamida oo kala gedisan kuwaas oo dhamaantood aan la xirririn qofka  wax tarkiisa dhabta ah. Buugaagtan nool waxay marka  la wadaagaan akristayaasha wixi ay ka barteen dhacdooyinkaas iyo sida looga gudbi karo”, Sidaas waxa yiri Ustaad Maxamuud maxamed siyaad oo ah Madaxa Maktabadda Jaamacadda SIMAD- Dhoobaale

Dadkan loo bixiyay buugaagta nool ee lagu marti qaaday in ay ardayyda ama akhristayaasha la hadlaan ayaa ka kala ahaa:

  • Usoo jooge ku xeel dheer sooyaalkii siyaasadda soomaaliya lagasoo bilaabo
    • 60-dammaadkii xiliyadii gumeysi ladirirka iyo xornimo doonka.
    • dowladihii dalka soomaray sida: Dowladihii daakhiliga, rayidka militeriga iyo af-gambiyadii dhacay
  • Bare aan xubnaha araga qadar ALLE ku dhalan heystana darajada Masterka ama  heerka 2aad ee jaamcadeed. Haddana ah barre jaamacaddaha dalka wax ka dhiga
  • Bare kamida barayaasha jaamacadda oo ka hadlaya sidii uu kusoo islaamay
  • Nolosha dalka dibaddiisa gaar ahaan dadalka ku bahoobay Yurub.(isbedelka dhaqanka iyo laqabsigooda)
  • Bare aan wadanka u dhalan (Maladii shalay iyo xaalka hadda)
  • Dibadjoogto mudooyin badan ka maqaneyd dalka oo soo laabatay. (layaabkeedii hab dhaqameedka iyo sidii ay ula qabsatay)
  • Hal-abuur shaqo baahday oo guuleysatay iintii bur-burka dalku jiray

Dhammaan ardaydii ama akhristeyaashii  loo qabtay bandhigan ayaa ku tilmaamay mid aad u muhiim ah oo aad loogu baahnaa  bulshadana u horseedi kara isfaham iyo is ixtiraamid farqiyada iyo kala duwanaashaha dhexdooda ah.

Faaiidooyinka bulshadu ka baran karo  bandhigan ayaa ah in dhacdooyinka caalamka ka dhaca ee faaiidada u leh bulshada la suura galin karo  in ay ka dhacaan dalka si caalamka u arko dhinacyada wanaagsan ee ay bulshadeynu ku talaabsaneyso sidaa  waxa yiri Madaxa maktabadda jaamacada SIMAD, ustaad siyaad asigoo sidoo kalenena ku daray In akhriteyaashu ay fursad u heli karaan isla markaasna la kulmaan dad qibrad u leh dhacdooyin badan oo bulshada dib u dhigay  kana gudbay taas oo ugu danbeyn horseedi karta  isbedel  bulshadu ka sameyso kagana gudubto kala qob qobnaata is liidida aan la xiriirn kartida qofka iyo wax galkiisa dhabta ah.

Sidoo kale dadkii  waayo aragnimada lawadaagayay ardayda ayaa ayana dhankooda  cadeeyay in ay ku faraxsanyihiin in ay ardayda uga jawaabeen dhamaan su’aalihii ku qotomay malooyinkii ay ka heyteen fikradiihii ay lawadaageen.

Firkradan ayaa asalkeeda ka timid dhalinyaro kasoo jeeda dalka Denmark  taas oo hadda ku faaftay dalal badan oo qaaradaha aduunka ah.

Goobjoog News