U bood dhigaalka

Jaamacadda Ugu Weyn Zambia Oo Amarro Ku Soo Rogtay Gabdhaha Ardeyda Ah

Sheeko:Dalka

Jaamacadda ugu weyn Zambia ayaa ku boorisay gabdhaha ardeyda ah oo dhigta Jaamacadda in aysan gelin Maktabadda iyaga oo jirkooda qaawanyahay si aysan u saameyn wiilsha ardeyda ah ee Maktabadda jooga.

Iridda hore ee Jaamacadda Zambia oo ku tallo caasimadda Lusaka ayaa waxaa lagu dhajiyey boorar ogeysiis ah, kuwaasi oo lagu dhiiro gelinayo in gabdhaha ay xirtaan dhar asturan oo jirkooda daboolayo.

Zambia ayaa ah dowlad aad u ilaaliso dhaqanka, balse gabdhaha ayaa jecel in ay xirtaan dhanka casriga ah oo loo yaqaanno Fashiyoonka.

Qaar ka mid ah gabdhah Jaamacadda ayaa ka hor yimid go’aanka ay ku soo rogtay Jaamacadda gabdhaha dhigta Jaamacadda waxaana ka mid ah gabdhaha ka dhiidhiyey go’aanka Dikina Muzeya o oar ardayad dhigata sanadka saddexaad ee Jaamacadda waxayna tiri” Haduu yahay ujeedka aad maktabadda u aaeyso inaad wax akhrisato, maxaa keenaya in meelo kale sida lugaha gabdhaha aad ku mashquulsho”.

Wiilsha dhigta Jaamacadda ayaa sheegay in gabdhah markii ay soo xirtaan goonooyin jirkooda muujinayo ama ay soo xirtaan dhar ka gaaban in arrintaasi ay saameyn ku yeelaneyso wiilasha ardeyda ah ayna ku mashquulayaan gabdhaha.

Goobjoog News