U bood dhigaalka

Dowladda Japan Oo 97 Milyan Doolar Ku Bixineysa Horumarinta Adeegyada Bulshada Ee Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dowladda Japan ayaa 97.358 Milyan ugu deeqday dalka Soomaaliya, waa taageeradii ugu weyneed ee noocaas ah ee Japan ay siiso Soomaaliya.

Safiirka Jaban u fadhiya Soomaaliya Tatsushi Terada oo goobta heshiiska uu ka dhacayey ka hadlay ayaa sheegay in lacagtaas loogu talagalay xoojinta umadda, waxaana loo mariyay hey’adda Peace Action Society.

Terada waxaa uu intaa raaciyay in Mashruucan lagu dhisi doono Iskuulka Bursar ee degmada Ceelwaaaq ee gobolka Gedo, Iskuulkaas oo loo dhisi doono sida uu sheegay qaab heer sare ah.

JaPan ayaa sidoo kale 37.125 Milyan oo loo isticmaalayo arrimaha bini’aadnnimada ugu deeqday hey’adaha gargaarka ka wada Soomaaliya.

Lacagtaan waxaa loo qeybin doonaa 12 hay’adood oo fulin doona ilaa 14 Mashruuc, arrintaan oo lagu go’aamiyay kulan dhex maray Safiirka Jaban, Wasiirka Qorysheynta C/raxmaan Caynte iyo Safiirka Soomaaliya ee Kenya Mr. Jamaal.

Dalka Japan waxaa uu sidoo kale 1.4 Milyan oo Doolar ku bixin doonaa hey’adaha Qaramada Midoobay ee cuntada, si loo taageero dadka ku waxyeelloobay El Nino.

Hadaba Goobjoog News ayaa intaasi ka dib waxay wareysi la yeelatay wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah Cabdiraxmaan Caynte oo aynu wax badan ka weydiinay yaboohan lacageed iyo sida loo maamulayo.

Waxa uu sheegay in lacagtani ay tahay mid waxbadan looga qaban doono arrimaha Soomaaliya adeegyada bulshada sida horumarinta waxbarashada iyo caafimaadka.

“Lacagtani waxay tahay lacag ay Japan ugu deeqday dadka iyo dalka Soomaaliyeed iyadoo markii ugu horreysay si toos ah u siineysa dowladda Soomaaliya, kadibna loo sii gudbin doonno meello kala duwan oo dalka ah, loogana fulin doono mashaariic kala duwan, waxaan halkaan u joognay mid ka mid ah mashaariicdaasi oo ah Iskuul ku yaalla degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, maamulka Jubbaland hoosyimaada,  waxaa soo daba socda mashaariic kala duwan oo xagga Caafimaad,a Horumarinta bulshada ah, meelaha aan sida gaarka ah xoogga u saari doonno waxaa ka mid ah dhallinyarada, in dhallinyarada fursado loo abuuro, tababaro la siiyo, lagu tababaro shaqooyinka gacanta laga qabto ama ha ahaadaan korontiiste, tubiista, ama farmayeeri ha ahaado iyo wixii la mid ah oo dhan, runtii dad badan oo dhallinyaro ah arrimahaasi loo abuuro si ay dalka u shaqeystaan, waxaa kaloo ku jiri doona mashaariic waaweyn oo dhisme ah oo isugu jira in la dhiso meelaha qaarkood oo looga baahan yahay Isbitaallo, MCH, runtii lacagtani meello badan ayaa wax looga qaban doonaa, guusha ugu weyn ee aan isleeyahay waxay tahay in lacagahaasi ay si toos ah u gaari doonaan dadka Soomaaliyeed oo aan loo dhaxeyn doonin hadii uu ilaahay idmo, ama dowladda wixii ah oo mashaariic lagu fulinayo lagu fuliyo mashaariic, qaarkoodna lasiin doono NGO-yo Soomaaliyeed oo iyagu fulintii yeelan doona” ayuu yiri Wasiir Caynte.

Wasiir Caynte ayaa mar aynu wax ka weydiinnay arrinta ku aadan culeysyada ka jira bixinta mushaaraadka ciidamada dowladda iyo waxa lacagtani ka qaban karto ayuu ku jawaabay.

“Arrinta mushaaraadka culeysyo wey ka jiraan, laakiin Japan gawaarida Booliiska ay wataan oo kale iyadaa siisay waxay ka mid tahay lacagtaan hadda aan ka hadleyno oo lagu soo iibiyay gawaaridaasi weyna ka faa’ideysanayaan, waxaa ka mid ah qalab raadiyeyaasha la’iskula hadlo iyo qalab Booliiska ka taageera xagga amniga, waxaa kaloo ka mid ah inay taageero siiso hay’addeena socdaalka, ha ahaato tababar, qalab iyo xafiisyada ay ka shaqeystaan, waxay ka mid yihiin waxaas oo dhan taageerada guud ee mashruucaan soo mari doonta”

“Annagu waajibkeena waxa uu yahay taageerro iskaashi caalami ah markii uu yimaado inaan isku dayno markaa dowladda waxbixineyso iyo dadka Soomaaliyeed inaan u dhaxeyno oo aan ku hagno meesha aan isleenahay baahi wey ka jirtaa iyadoo dabcan la marayo habraaca loogu talagalay, dabcan iskuulka maanta Ceelwaaq lagu billaabay Mashruucaasi waxaa ku baxaysa 96 kun oo doolar lacagta waa dhowr iyo Afartan Milyan oo doolar inkastoo qeybkale oo ka mid ah waxbadan lagu bixiyey, waxaa kaloo jira tababar xoog leh oo dowladda Japan siineyso shaqaale badan oo dowladda ah” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay wasiirka qorsheynta ee xukuumadda Soomaaliya.

Goobjoog News