U bood dhigaalka

Jabhad La Dagaallameysa Xukuumadda Biixi Oo Looga Dhawaaqay Buuhoodle

Sheeko:Dalka

Magaalada Buuhoodle ayaa waxaa looga dhawaaqay jabhad cusub oo la sheegay in ay dagaal la geli doonto Somaliland.

Jabhaddan ayaa loogu magac daray SSC, waxaana la sheegay in ay la dagaallami doonaan ciidamada Somaliland ee ku sugan gobollada Sool iyo Sanaag.

Maxamed Axmed Cali, hoggaamiyaha jabhaddan ayaa sheegay in ay hiigsanayaan dhisidda ciidan ay ku mideysan yihiin dadka deegaanka, lana dagaallama cid walba oo kusoo xadgudubta.

Jabhaddan ayuu sheegay iney u taagan tahay dib u xoreynta gobollada Sool iyo Sanaag, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Hoggaamiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in jabhaddooda ay si wanaagsan ula dhaqmi doonto beelaha deriska la ah Sool iyo Sanaag.

Horey waxaa Somaliland uga jiray jabhado diiddan nidaamka maamul ee xukuumadda Biixi, kuwaasi oo dagaallo la galay ciidamada Somaliland.

Goobjoog News