U bood dhigaalka

Jabhadda Xoraynta Ogaadeenya Oo Qoraal Ka Soo Saartay Go’aanka Golaha Shacabka Soomaaliya.

Sheeko:Baarlamaanka

Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO/ONLF) waxay soo dhawaynaysaa go’aankii ka ka soo baxay Golaha shacabka Dawladda Federaalka Soomaaliya 18 November, 2017 ee ku saabsanaa dhiibista Abdikariim Sh Muuse (Qalbi Dhagax) iyo meeqaamka (status) ururka (JWXO/ONLF).

Golaha Shacabka ee Baaralamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu aqlabiyad aad u ballaadhan ku go’aamiyay:

  1. In dhiibistii C/kariim Sh Muuse ay ahayd sharci darro, isla markaana ay ka soo horjeedday shuruucda dalka u yaalla oo dhan.
  2. In Jabhadda ONLF ayna argagixiso ahayn, beesha caalamka iyo Soomaaliyana aynu u aqoonsanayn inay argagixiso tahay.

Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO/ONLF) waxay si niyad-sami ah u soo dhawaynaysaa go’aanka Golaha Shacabka Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxayna aaminsan tahay inuu yahay go’aan ka turjumaya xilka Golaha Shacabka ka saaran ilaalinta shuruucda dalka iyo la-xisaabtanka cidda ku xadgudubta.

Iyadoo munaasabaddan ka faa’iidaysanaysa, waxay (JWXO/ONLF) u mahad celinaysaa xubnaha Guddigii Gaarka ah ee kiiska loo xilsaaray oo si cadaalad iyo wadaninnimo ku dheehan tahay u baadhay daw-darrada lagu sameeyay muwaadinkaas Soomaaliyeed iyo xubnaha Golaha Shacabka oo si kalasooni ku jirto u ansixiyay natiijadii baadhista ka soo baxday. Waxay sidoo kale u mahad naqaysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, oo isaguna si aan kala-hadh lahayn uga dhiidhiyay gabood-falka ay xukuumadda federaalku u gaysatay mudane C/kariim Sh Muuse (Qalbi-Dhagax).

JWXO waxay si adag u cambaaraynaysaa xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ay ku caddaatay inay galeen dambi u dhigma khiyaano qaran, siday ka dhawaajiyeen mudanayaasha qaarkood, iyagoo si cadna ugu tuntay Dastuurka Soomaaliya, ka dib markii ay si sharci darro ah Itoobiya ugu gacan galiyeen mudane C/kariim Sh Muuse (Qalbi-dhagax), daba-yaaqadii bishii Agust, 2017, si aad ahna uga shaqaysay inay u samayso dambiyo uuna galin.

ONLF waxay ka doonaysaa Dawladda Soomaaliya inay  sida ugu deg-deg badan ugu hawlgalaan sidii lagu soo celin lahaa Cabdikariim Sh Muuse (Qalbi-Dhagax).

JWXO waxay caddaynaysaa inayna waligeed gabbaad ka dhiganin dalka Soomaaliya, hadda ka dibna ayna ka dhigan doonin. Halganka Ogaadeenya ee JWXO hormuudka ka tahay wuxuu ka socdaa gudaha Ogaadeenya, waxaana bud-dhige u ah shacabka Soomaalida Ogaadeenya oo isugu isku tashaday, doortayna inuu aaya-ka-tashigiisa u dagaallamo. Waxaa kaloo taageera muwaadiniin badan oo Somaliyeed oo gudaha iyo daafaha caalamkaba ku kala nool.

ONLF waxay u halgamaysaa xaqa ayaa-ka-talinta shacbiga Soomaaliyeed ee ay Itoobiya gumaysato, waxayna diyaar u tahay in qaddiyaddan si nabadgalyo ah lagu xaliyo.

Mindnimo, Mintid, Isku-tashi iyo Guul

Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO)

Goobjoog News