U bood dhigaalka

Jabuuti oo kordhinaysa ciimada ka jooga Soomaaliya

Sheeko:War
Ciidamada-Jabuuti-
Cutubyo ka tirsan ciidamo hore u yimid Soomaaliya

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa shaaciyay in 950-askari ay u diri doonaan dhawaan Soomaaliya si ay u xoojiyaan ciidanka kaga sugan gobolka Hiiraan ee qaybta ka ah AMISOM.

Wasiirka arrimahha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in 450 askari ay tagi doonaan magaalada Beledweyne mudo usbuucyo gudahood ah, halka illaa 500 askarina ay tagi doonaan dhowr bilood kadib.

Sidoo kale, wasiirka ayaa xusay in ujeedddada ay u dirayaan ciidamadan ay tahay inay kordhiyaan dagaalka lagula jiro Al-shabaab oo uu ku sheegay in ay dhibaato ku yihiin nabad ka dhalata Somaaliya oo burbur ku jiray 23-sano oo xiriir ah.

“Ujeedka aan ciidamadan u dirayno waa inaan xoojinno dagaalka lagula jiro kuwa nabadda diiddan, waxaana ciidamadeenna iyo kuwa kale ee AMISOM ku amaanaynaa dadaalka ay ugu jiraan sidii Soomaaliya ay nabd ku noqon lahayd,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Xarakada Al Shabaab ayaa markii ugu horreysay qarax ismiidaamin ah waxay ka fulisay gudaha caasimada Jabuuti bishii Abriil ee sanadkan, iyadoo gudaha Soomaaliya weeraro iswarxin kooxdu u geysatay fariisimaha ciidamada gaar ahaan magaalada Buuloburde oo ka mid ah meelihii ugu dambeeyay ee laga wareegay Al Shabaab.

Wararka Goobjoog news