U bood dhigaalka

Jadwalka Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo La soo Saarey

Sheeko:Amniga

Guddiga doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa dowlad gobaleedka Galmudug ayaa maanta soo saaray jadwalka doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo lagu wado in dhowaan lagu qabto magaalada Dhuusamareeb.

Warqad qoraal ah oo ka soo baxday xafiisa guddoomiyaha guddiga doorashada Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in maalinta Taariikhdu tahay 30-ka bisha Janaayo 2020-ka ay dhaceyso doorashada Madaxweyaha iyo waliba ku xigeenkiisa lana dhaarin doono isla maalintaasi.

Sidoo kale guddiga doorashada ayaa xusay in maanta oo taariikhdu tahay 21- bisha Janaayo 2020-ka laga bilaabo ilaa 27-ka loo qorsheeyey in lagu soo gaban gabeeyo wax waliba oo ka horeeya doorashada.

Waxaa xusid in jadwalkan iyo doorashada guddoonka doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ay qaadhaceen xildhibaannada Alhu Sunna.

Guddiga ayaa la sheegayaa iney ka baxeen ilaa 5 xubin oo ka tirsan 13-ka uu magacaabay guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Nuur Gacal si ay u maareeyaan doorashada madaxweynaha Galmudug iyo ku-xigeenkiisa.

 

No photo description available.