U bood dhigaalka

Jahawareer Ka Jira Agaasinka Villa Somalia: 3 Agaasime Muddo 3 Bil

Sheeko:Dalka

Waxaa muuqata in uu jahawareer ka jiro agaasinka Villa Somalia, kadib markii arbacadii la magacaabay agaasimhii 3aad muddo 3 bil.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu Fahad Yaasiin u magacaabay xilka Agaasimaha Guud ee Madaxweynaha.

“Waxaan xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u magacaabay Mudane Fahad Yaasiin oo ah nin dhallinyaro ah, karti iyo hufnaan aan ku bartay, kana soo dhalaali kara shaqada qaran ee loo igmaday. Waxaan Eebe uga baryayaa inuu masuuliyaddan culus u fududeeyo”ayaa lagu yiri War saxaafadeed goor dhow ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu sidoo kale u mahadceliyay Agaasimhii hore Madaxtooyada Abuukar Daahir Cismaan (Baalle) oo ahaa shakhsi waqti badan galiyay u khidmeynta dalkiisa iyo dadkiisa.

Waxaa horay isla jagadaasi looga magaacabay Dr. Cali Saciid Fiqi iyo Abuukar Cabdu Cusmaan

February 16, 2017: Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada ayaa loo magacaabay Dr. Cali Saciid Faqi oo hore u ahaa Danjiraha Soomaaliya uga wakiilka ah Dalalka Belgium, Holland iyo Luxembourg iyo Ururka Midowga Yurub, waxayna xaruntiisu ahayd magaalada Brussels.

Muddo bil kadib, Xil ka qaadista lagu sameeyay Dr. Cali Saciid Faqi lama sheegin sababta, waxaa uu ahaa KMG  ayaa lagu soo gaabsaday.

March 2, 2017:  Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa magacaabay xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada .

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada waxaa lagu magacaabay Abuukar Cabdi Cusmaan oo loo yaqaano Abuukar Baalle oo horay u soo noqday Agaasimaha Xafiiska Farmaajo, xilligii uu Ra’iisul Wasaaraha ahaa.

Si la mid ah, sidii hore, agaasimahan lama sheegin sababta loo ceyriyay, iyada oo la qoray:

Madaxweynaha ayaa waxaa uu sidoo kale u mahadceliyay Agaasimhii hore Madaxtooyada Abuukar Daahir Cismaan (Baalle) oo ahaa shakhsi waqti badan galiyay u khidmeynta dalkiisa iyo dadkiisa.

Goobjoog News