U bood dhigaalka

Jillaabashada Kalluunka Oo Hoos U Dhac Ku Yimid Dabeylaha Socda Owgeed

Sheeko:Dalka

Kicinka  dabeylaha ayaa ka bilowday gobollada Soomaaliya, gaar ahaan caasimadda Muqdisho oo ku taallo xeeb, waxaa ka socda dabeylo aad u xooggan oo habeenkii wadata qabow,  arrintan oo sababtay inuu yaraado ama hoos u dhac ku yimaado wax-soosaarkii Kalluun ee badda laga keeni jiray.

Suuqyada lagu iibiyo Kalluunka ee magaalada Mugadishu ayaa hadda waxaa ka taagan sare u kac ku yimid qiimaha lakala siisto Kalluunka.

Suuqa Kalluunka ee Xamar-weyne ayaa ugu caansan meelaha lagu iibiyo wax-soo-saarka badda gaar ahaan Maleyga Ibraahim Cabduulahi oo ka mida dadka iibiya Kalluunka ayaa Goobjoog News uga waramay is badalka lacageed ee ku yimid Kalluunka. “Kawaanka Maleyga xaaladdiisa aad ayey u kacsantahay xiiliyo Kalluun darro naheysay ayaan soo dhaafnay hadda waxaan ku jirnaa xilli maley la’aan ah, kawaanka Maleyga wax maley ah mayaaliin, qiimaha maleyga sare ayuu u kacsanyahay waa mid qaaliya Kiiladii,  waxaa lagadaa 8 dollar, qiimahaasi waxaa sababay malaay la’aanta iyo dabeysha hadda socoto”.

Najiibo Cabdulqaadir waxaa ay ka mid tahay dadka sida maalin laha ah u iibsada Kalluunka waxayna kawarantay isbedalka ku yimid qiimaha Kalluunka.“Waxaan ka mid ahay macaamiisha marwalba iibsada Kalluunka, kalluunka kama maarmo hadda qaali ayuu noqday awal raqiis ayuu noo ahaa “.

Kacsanaashaha badda oo sababay dabelaha xooggan ee ka jira barriga waxay iyana sabab u noqotay in aan laga helin xeebaha ku teedsan gobolka Banaadir Kalluunka iyo sidii uu ahaan jiray taasna waa mida keentay in sare kac xoog leh uu ku yimaado Kalluunka.

Doomo badan ayaa lagu waayay badda iga oo jilaabanayo intii ay socdeen dabeylaha .

Magaalada Mugadisho qeybo badan oo ka mida sida Hoteelada maqaayadaha iyo xaafadaha waxaa si joogto ah looga cunaa Kalluunka waxaana sare u kaca ku yimid uu sababay in dad badan aysan iibsan.

Goobjoog News