U bood dhigaalka

Jamaal Cali Xuseen oo Guul Ka Sheegtay Fadhigii Maxkamadda Sare ee Dhageysiga Dacwadda Xisbiga UCID

Sheeko:Dalka

Jamaal Cali Xuseen oo ah murashaxa Madaxtooyada xisbiga UCID oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa ka dib kulankii maanta ee dhageysiga dacwadda xisbiga  ayaa guul ka sheegtay fadhigii dacwadda ee ka furmay maxkamadda sare.

Musharax Jamaal ayaa xusay in fadhigii maanta ee dhageysiga dacwadda garabyada is haya ee gudaha xisbiga ee ka furmay maxkamadda sare ay guul u arkaan dhinacooda, waxaanuu yiri:

“Dooddii halkaa maxkamadda sare ka dhacday guulbaanu tisaneynaa oo guulbaan u aragnaa, maxkamaddii sare waxay banneysay dood saraaxi ah aad u wanaagsan su’aalo wanaagsan oo sharciga ku saleysan ayaa nala waydiiyay, halkaa waxaa ka cadaatay inuu Faysal Cali Waraabe gacantiisa isku gowracay markii uu yiri anigaa doortay golihii dhexe, laakiin sharcigaa la eegayaa. Xisbiga waa lagu bahoobay, bahweyn buu ahaa go’aanka kama dambeysta ahna waanu filaneynaa kheyrbaanu filaneynaa guulbaanu filaneynaa”.

Dhanka kale, Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta hadlay kooban siiyay ayaa sheegay in uu ka dhur sugayo go’aanka maxkamadda iyo sharciga isla markaana aanuu ka hor dhacayn, waxa uu rajo ka muujiyay inuu dacwaddan ku guuleysan doono sidii uu horeyba ugu guuleystay dacwaddii Cabdiraxmaan Cirro oo ay xisbiga isku qabsadeen sidan oo kale.

Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa maata  bilowday dhageysiga dacwaddii khilaafka xisbiga UCID ee u dhexeeysay labada garab ee ay kala hoggaamiyaan musharaxa madaxweyne ee xisbiga Jamaal Cali Xuseen iyo Guddomiyaha xisbiga  Faysal Cali Waraabe.

Goobjoog News