U bood dhigaalka

James Swan iyo Wafdi uu Hogaaminayo Oo Gaaray Kismaayo

Sheeko:Amniga

Waxaa magaalda Kismaayo ee Xarunta  maamulka Jubbaland gaaray wafdi uu hogaamminayo Ergayga QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan .

Wafdiga ayaa waxa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay madaxweeynaha Dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islam Madoobe iyo xubna ka tirsan maamulka Jubbaland.

Kadib Soo dhaweeynta wafdiga Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Madoobe ayaa Xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay wafdiga uu hogaaminayay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan, waxaa kale oo wafdigan kamid ahaa Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martínez iyo Safiirka Talyaaniga.
James Swan ayaa madaxtooyada Jubbaland waxa uu kulan dhanka fogaan aragga ah isaga iyo Axmed madoobe kula qaateen Safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Yamamoto iyo Wakiilka Midowga Afrika Danjire Francisco Caetano Madeira.
Sikastba Safarka Swan ayaa ku soo aadaya xilli maamulka Jubbaland ay shuruudo ku xireen in ay ka soo qeeyb galaan shirka Muqdisho uga socda Farmaajo iyo Maamulada taagersan .