U bood dhigaalka

James Swan: ‘’ Lama Aqbalayo Doorasho Hal Dhinac Ah ‘’

Sheeko:Caalamka

Wakiilka Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay Arimaha Soomaaliya u fadhiya James Swan ayaa sheegay in saaxiibada Soomaaliya ay sii laba jibaareen howlahooda Soomaaliya isla markaana loo baahan yahay in horay loo dhaqaajiyo Arimaha doorashooyinka .

“Bilihii ugu dambeeyey shaqada ka socotay xafiisyadeenna waxay si gaar ah diiradda u saareysay sidii hore loogu sii dhaqaajin lahaa doorashooyin xalaal ah oo loo dhan yahay”.

“Innagoo la kaashaneyna saaxiibbada kale waxaan dhiirrigelinnay sidii siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay u wadahadli lahaayeen si ay isugu raacaan fulinta heshiiskii doorasho ee 17kii September”.

“Wadahadallo aan la yeelannay saaxiibbada kale iyo wadahallo laba dhinac ahba waxaan carrabka ku wada adkeynnay sidii looga gaari lahaa Isfahan guud tallaabooyinka loo baahan yahay in la qaado 08 Feb iyadoo laga fagaanayo xaalad xasillooni darro”ayuu yiri James Swan Xilli uu hadlayay Maanta.

Ergayga ayaa waxa uu intaasi hadalkiisa ku sii daray ” War-murtiyeedkii soo baxay 12kii Jannaayo iyo wadahadallo xigay saaxiibbada caalamiga ah waxay hoosta ka xarriiqeen muhiimadda ay leedahay in la tixgeliyo heshiiskii la gaaray 17kii bishii September’.

“Waxay muujiyeen sida ay uga soo hor jeedaan in la qabto doorasho aan ahayn middii lagu heshiiyey waxayna caddeeyeen inaan loo baahneyn wax rabshado ah”.

‘Waxaan sii wadaneynaa inaan ku dhiirrigelinno hoggaamiyaasha Soomaaliyeed inay rajo wanaag muujiyaan, sii laba jibbaaraan dadaalladooda lagu xallinayo hawlaha aadka muhiimka ugu ah fulinta heshiiska doorashooyinka iyadoo loo marayo wadahadal si loo gaaro xal dan u ah dalka.”

Hadalka ergayga xoghaya guud ee qaramaa Midoobay u qaabil san arimaha Soomaaliya ayaa ku soo aaday xilli Beesha Caalamka ay si toos ah faraha ula soo gaashay arimaha doorashooyinka Soomaaliya oo ay isku fahmi waayeen Siyaasiyiinta iyo Saamileeyda Soomaalida .