U bood dhigaalka

James Swan Oo Madaxda Hirshabelle Kala Hadlay Arrimo Badan

Sheeko:Amniga

Magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad goboleedka Hir-Shabeell waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayo wakiiladka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan , iyada oo siweyn loo soo dhaweeyay.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle ,Madaxweyne kuxigeenka iyo masuuliyiin kale ayaa garoonka Jowhar ku soo dhoweeyay Wakiilka Qaramada midoobay ee Soomaaliya, iyada oo la geeyay Xarunta Madaxtooyada Hir-Shabeelle.

Wakiilka ayaa kulan la qaatay Madaxda Hir-Shabeelle, iyada oo laga wada hadlay Xoojinta wada shaqeynta Howlgalka Qaramada midoobay iyo Maamulka Hirshabelle,waxaana sidoo kale kulanka goob joog ka ahaa Wakiila Howgalka Qaramada Midoobay ee Hir-Shabeelle Mr Benjiamin.

Booqashada James swan ee Hirshabelle ayaa noqoneyso safarkiisa 3aad ee uu ku tago dowlad goboleed,iyada oo uu horay u tegay dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland,isaga oo kala hadlay Arrimo dhowr ah.

Goobjoog News