U bood dhigaalka

James Swan: Waa In Doorashada Jubbaland u Dhacdaa Si Dhib La’aan Ah, Oo Aan La Fargelin

Sheeko:Dalka

James Swan oo ah ergeyga qaramada midoobey ee Soomaaliya oo isniintii booqasho ku tagay magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa adkeeyey  in doorashada Jubbaland u dhacdo si xalaal ah

Swan  oo ka hadlayey kulan uu la qaaday madaxweynaha Jubbalad Axmed madoobe waxaa uu yiri“Waxaan wada hadal la yeeshay madaxweyne Madoobe, waa in xubnaha baarlamaanka  iyo madaxweynaha ay doorashadoodu u dhacdaa qaab aan dhib laheyn,  waqtigii loogu talo-galay iyada oo aan la fargelin”.

Dhinaca kale, ergeyga waxaa uu tacsi u diray dadkii ku waxyeeloobey weerarkii argigixisada ee ka dhacay Kismaayo kaas oo ay dad badan ku dhinteen.

Goobjoog News