U bood dhigaalka

Janan Oo Gaaray Kismaayo, Una Sii Duulay Nairobi

Sheeko:Dalka

Wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland, C/rashiid Janan oo 28-kii bishan ka baxsaday xabsi ay dowladda federaalka ku haysay, kuna yaalla magaalada Muqdisho ayaa ugu dambeyn gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Janaan ayaa Kismaayo ku sugnaa saacado, wuxuuna halkaasi kula kulmay madaxda Jubbaland, waxgarad iyo saraakiil ciidan oo uu arrimo badan kala hadlay.

Intaasi kadib ayaa la sheegay in diyaarad gaar ah ay ka qaadday garoonka Kismaayo, una duula dhanka magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Dhanka kale,degmada Doolow ee gobolka Gedo iyo magaalada Kismaayo waxaa ka soconaya dibadbaxyo waaweyn oo lagu taageerayo imaanshiyaha Janan.

Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in Wasiir Janan uu ka baxsaday xabsi ay ku hayeen, balse qaabka faah faahin rasmi ah lagama helin.

Goobjoog News