U bood dhigaalka

Jarmalka Oo Diidaya In Ay Xayiraan Hantida Fethullah Gulen

Sheeko:Dalka

Dowladda Jarmalka ayaa waxay diiday codsi uga yimid dalka Turkiga kaasi oo ku saabsan in la xayiro hantida hoggaamiyaha mucaaradka  Fatxullahi Gulen kaasi oo ku sugan Mareykanka, waxayna dowladda Turkiga ay ku tuhunsantahay inuu ka dambeeyay afgambigii fashilmay  ee ka dhacay Turkiga.

Tallaabadaan ayaa waxaa laga yaabaa inay sii kordhiso xiisad ku timaada xiriirka labada wadan kuwaas oo kawada tirsan ururka gaashaanbuurta NATO.

Arrintaani ayaa timid ka dib markii haweeneyda lataliyaha u ah Jarmalka Angela Merkel ay sheegtay in Jarmalka uu siyaasad adag ka qaadan doono dadka lagu xiray Turkiga oo ka soo jeeda Jarmaka kuwaas oo lagu tuhunsanyahay siyaasadda afgambigii.

Goobjoog News