U bood dhigaalka

Jarmalka Oo Ka Qeyb Qaadanayo Hormarinta Adeegyada Caafimaadka Ee Punland

Sheeko:Dalka

Dowlada jarmalka ayaa ugu deeqday hay’adda UNICEF lacag loogu talo galay in wax lagaga qabto horumarinta caafimaadka iyo la dagaalanka  Covid-19 maamul goboleedka Puntland ee soomaaliya.

Lacagtan oo gaareysa 7.2 malyuun oo euro ayaa waxaa ku deeqay wasaarada horumarinta iyo iskaashiga dhaqaalaha ee dalka jarmalka.

UNICEF ayaa iyada oo kaashaneysa puntland waxay ka shaqeenayaan in ay daboolaan baahiyaha caafimaadka oo aanay hakin xaaladaha karoonaha dadkuna helaan adeega caafimaad ee aas aasiga ah.

Dowlada jarmalka iyada oo kaashaneysa baanka maalgalinta jarmalka waxay qeyb weyn ka qaadatay xoojinta adeegyada caafimaad ee Puntland taas oo ay ku bixisay aduun gaaraya 23 malyuun oo euro .

UNCIEF waxa ay tilmaantay in lacagta cusub ee jarmalka ku deeqay lagu bixin doona taageerada isbitaalada iyo goobaha caafimaad ee gobolada Nugaal iyo Mudug.

Sidoo kale waxaa ahmiyad la siin doona oo qarashkan lagu bixin doonaa taageerida hooyada iyo dhalaanka ,talaalka caruurta iyo daaweynta cudurada guud ee deegaanka ka jira .

Kaalmada caafimaad waxaa ka faa’iideysan doona dad gaaraya hal malyuun kuwaas oo 250,000 ay yihiin caruur ka yar shan sano.

Jesper moller oo ah madax UNICEF ee soomaaliya ayaa dowlada jarmalka uga Mahad celiyay kaalmada iyo taageerada joogtada ah oo ay siiso xafiiska UNICEF ee soomaaliya .

Goobjoog News