U bood dhigaalka

Jarmalka Oo Ku Dhawaaqay Taageero Dhaqaale Oo Uu Siinayo Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dowladda Germany ayaa sheegtay inay Soomaaliya siineyso $73 million oo taageere dhaqaale ah iyadoo ballanqaadday inay xoojineyso xiriirka u dhaxeeya labada dal. Ambassador Annett Gunther ayaa ballanqaadkan jeedisay xilli uu ka qeybgalayey xaflad Muqdisho ka dhacday oo lagu xusayey maalinta midnimada ee Jarmalka taasoo uu sidoo kale kasoo qeybgalay ra’iisul-wasaare Kheyrre.

“Innagoo ku taageereynna Soomaaliya waddada ay hayso, Germany waxay sare u qaadeysaa taageerada horumarineed iyo iskaashiga waxayna dowladda Jarmalku ku deeqeysaa Soomaaliya $73 million labada sano ee soo socota,” ayey tiri Gunther.

“Kordhintan oo sida mideysan la isugu raacay waxay xoojineysaa kobaca, xirfadaha horumarineed oo loo sii-marayo tababarro ku saabsan farsamooyinka gacanta iyo xirfadaha waxbarasho, Germany waxay ahmiyad siineysaa horumarinta reer miyiga, beeraha iyo maareynta biyaha,” ayey tiri Ambassador Gunther.

Sidoo kale waxaa dhankooda ka hadlay munaasabadda Guddoomiyaha Aqalka Sare, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya. Gunther waxay xustay in taageeradan muhiimka ah ee ay Germany siineyso Soomaaliya ay ku sharfeyso horumarka ay sameeyeen dadka Soomaaliyeed.

“Ujeedku wuxuu yahay in la taageero joogteynta dariiqa fiican ee ay Soomaaliya qaadday sannadihii dambe,” ayey tiri Gunther. Xafladdan oo ka dhacday xarunta Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa lagu xusayey 29 guuradii kasoo wareegtay dib u midowgii Jarmalka oo ku beegan 3, Oct 1990.

Goobjoog News