U bood dhigaalka

Jarmalka oo US$5 million ugu Deeqay Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dowladda Jarmalka ayaa US$ 5 million waxaa ay ugu deeqday Soomaaliya si wax looga taageero dowladda in talaalka gaaro goobaha fogfog oo ay adag tahay in la gaaro. Arrintan ayaa qeyb ka ah dadaallada UNICEF ay xukuumadaha ku dhiirigeliso in talaalka la geeyo meelaha ugu dambeeya.

“Germany waxaa ay ahmiyadda saareysaa in talaalka uu gaaro qof walba iyo meel walba.  Covid-19 waxaa uu soo badhigay ahmiyadda arrinkaas, abaarta ayaa sii xoojineysa arrintaas” sidaasi waxaa yiri

Martin Stein, oo ah madaxa arrimaha banii’aadnimada ee safaaradda Jarmalka ee Nairobi.

Tallaallada waxaa kaa faa’ideysan doona dadka ku jira Kaamamka ee barakacayaasha ah, kuwa deggan baadiyaha, iyada oo loosii marsiinayo wasaaradda caafimaadka ee JFS.

Dadaallada Jarmalka ayaa imaanaya iyada keliya 10% ay talaalalan yihiin dadka Soomaalida ah, iyada oo WHO ay awoodda saareyso sidii 70% ay dadka talaal u heli lahaayeen bartamaha 2022-ka.

Goobjoog News