U bood dhigaalka

Jarmalka: Shil Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay

Sheeko:Dalka

Tiro dad ah ayaa dhintay, halka tobaneeyo kalena waxyeello ayaa soo gaartay ka dib markii gaari yar oo xamuul ah uu ku jiiray dad lugeynayey magaalada  Munster ee galbeedka dalka Jarmalka.

Ciidamada Booliska ayaa sheegay in wadihii gaariga uu isna ku geeriyooday shilka dhacay, waxaa ay intaas ku dareen Booliska in wadaha gaariga uu ahaa nin u dhashay Jarmalka maskaxdana looga jiray.

Madaxda gudaha Jarmalka ayaa sheegay in shilkan ay ku dhinteen 3 qof, halka ay ku dhaawacmeen 30 kale 6 ka mid ahna ay xaaladdooda halis tahay.

Ciidamada Booliska ayaa xaalad amni ku soo rogay goobta uu shilka ka dhacay waxaa ayna uga digeen dadka in ay ka fogaadaan goobta.

Goobjoog News