U bood dhigaalka

Jarmalka: Waxaan Bixineynaa 70 Milyan euro, Waana Laba Jibaari Doonnaa”

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka Sigmar Gabriel ayaa kulankii uu shalay la qaatay ra’isul wasaare Xasan Khayre ku sheegay in Jarmalka ay bixinayaan 70mn euros ($76mn), isla markaana ay diyaar u yihiin in ay laba-jibaaraan.

Wasiir Jarmalka Sigmar ayaa sidoo kale ka hadlay in abaarta Soomaaliya ka jirto ay qarka u saaram tahay musiibo, waxaa uu dalbaday in laga soo gaaro.

Dalka Jarmalka waxaa uu Soomaaliya ka taageeraa arrimaha ammaanka, banii’aadnimada iyo arrimaha la xiriira xiriirka caalamiga ah.

Waa Mas’uulkii ugu sareeyay oo Jarmal ah oo Soomaaliya yimaada tan iyo 2012-kii

Goobjoog News