U bood dhigaalka

Jawaab: Galmudug Oo Sharci-darro Ku Tilmaantay Warqadda Dowladda Federaalka Ah Ee Doorashada

Sheeko:Dalka

Jawaab tii ugu horeysay oo ay bixiso dowlad goboleedka Galmudug ayey ku sheegeen in ay sharci-darro tahay qoraalka wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ah ee la xiriira doorashada Galmudug.

Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ay diyaarinayaan jawaab ka dhan qoraalka sharci-darrada ah ee dowladda federaalka ah ka soo saartay doorashada maamulka.

Dhankiisa, Cabdiraxmaan Cali Ciise oo ka tirsan xildhibaannada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug  oo isna la hadlay Goobjoog News ayaa sharc-darro ku tilmaamay qoraalka wasaaradda, isaga oo intaasi raaciyey iney ka hor imaaneyso dastuurka Galmudug iyo midka KMG ah ee Soomaaliya.

“Warqadaas waa sharci-darro, waxaa ay ka hor imaaneysaa dastuurka Galmudug iyo midka Soomaaliya, waxaa ay daba socotaa faragelinta ay dowladda federaalka ah ku heyso arrimaha Galmudug, waana waxba kama jiraan”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Ciise oo sii-hadlaya waxaa uu yiri “ Qoraalka wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ah waxaa uu ka hor imaanayaa oo kale heshiiskii Djibouti ee Galmudug iyo Ahlu-sunna, midnimada iyo wadajirka maamulka, waana kala qeybin aad looga xumaado”.

Ugu dameyntii, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cali Ciise ayaa sheegay in aaney wax saameyn ku yeelaneyn qoraalkaas howlaha dowlad goboleedka “Arrinkaas wax saameyn ah kuma yeelan-doonto howlihii iyo shaqadii u socotay dowlad goboleedka Galmudug”.

Yaa Ka Hadlay:

Xildhibaan Saabir Oo Sharci-darro Ku Tilmaamay Warqadda DF ee Galmudug, Kana Hadlay Xalka iyo Doorashada

Xildhibaan Mahad Salaad Oo Sharci-darro Ku Tilmaamay Doorashada Ay DF Rabto Iney Ka Dhacdo Galmudug

Sii Akhri: Qoraalka wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Doorashada Galmudug:

Goobjoog News