U bood dhigaalka

Jawaari: Ciidamada huwanta ah waxa ay u ruqaansan doonaan goobaha ay ku harsanyihiin Al-shabaab

Sheeko:Dalka
Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari
Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari

Ku-simaha madaxwaynaha ahna guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa bogaadin iyo ammaan u jeediyay ciidamada dowladda iyo kuwa midowga Afrika ee howl-galka ka wada qaar ka tirsan gobolada dalka.

Jawaari ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay shacabka ku nool degmooyinka Baraawe iyo Cadale oo ka tirsan gobollada Shabeelooyinka.

“Shacbiga Baraawe iyo shacbiga Cadale waxaan faraynaa in dalkooda ay gacanta ku dhigaan, degmadooda ayaga ayaa leh taladoodana ayaga ayaa leh, waxa aan ku dadaalaynaa waxa weeye in maamulka uu shacbiga gacantooda ku wareego.

Hakan mayno waa la soconayaa dhinacaan (Shabeellaha dhexe) waxaa hartay Aadan Yabaal kaliya ayadana waa la qabanayaa, dhinacaan kale (Baay) waxaa dhimman Diinsoor iyo agagaaraheeda, waa la wada qabanayaa hadduu ALLE idmo.” ayuu yiri guddoomiye Jawaari.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM ayaa qaar ka tirsan gobollada dalka ka wada howl gal loogu magac daray Bad weynta Hindiya oo ka dhan ah xarakada Al-Shabaab.

Al-shabaab ayaa inta badan isaga baxay goobaha ay la wareegeen ciidamada huwanta iyaga oo aan wax dagaal ah kala hor tagin.