U bood dhigaalka

Jawaari Iyo Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Maamul Goboleedyada Oo Shir Ku Leh Baydhabo

Sheeko:Dalka

Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ay gaaraan guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo  guddoomiyeyaasha baarlamaannada maamul goboleedyada dalka.

Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka K/galbeed C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayaa saxaafadda u xaqiijiyey in xubnahan ay ku shiri doonaan magaalada Baydhabo, shirkoodana uu socon doono Labo cisho.

Ajendaha shirkaan weli lama shaacin, hase ahaatee ammaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay.

Waa shirkii ugu horreeyay oo magaaladaasi ku yeeshaan guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale guddoomiyeyaasha baarlamaannada maamul goboleedyada dalka ka jira.

shirkan waxaa ka horimaanayaa dalabkii aqalka sare ee ahaa in la joojiyo, Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal uu doonayo in la joojiyo ka qeyb-galka shir ay yeelan lahaayeen golaha shacabka iyo guddoomiyeyaasha goleyaasha sharci dejinta dowlad goboleedyada.

Akhriso: Qoraalka Aqalka Sare

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada