U bood dhigaalka

Jawaari Kadib: Akhriso Mooshinnada La Horkeenay Golaha Shacabka 5-tii Sano Ee Lasoo Dhaafay

Sheeko:Baarlamaanka

Soomaalida, marka ay baarlamaan maqlaan waxaa markiiba kusoo dhaca ereyga mooshin ama soojeedin, mooshin ama soo-jeedinta waa shaqo ka mid ah shaqooyinka golaha shacabka ama baarlamaanka guud ahaan, laakin bulshada Soomaaliyeed ma jecla eraygaasi, waxaa ayna la xiriiriyaan shaqo la’aan, musuq iyo waqti lumis!

Mooshinnadan cusub ee laga keenay guddoomiyaha golaha shacabka, madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha, waxaa ay xoojinayaan shakiga umadda!    5-tii sano ee Abuukaate Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu ahaa guddoomiyaha golaha shacabka waxaa golaha la horkeenay Mooshinno badan, qaar wax lagu dhisayo iyo in kale oo gole dumis ahaa, waxaa la riday 2 ra’isul wasaare, waxaa mooshin laga keenay labo madaxweyne, waxaa la diiday xukuumado, wasiirro, la celiyay hindise sharciyeedyo, waxaana dhismay kutlado….!!

Dhinaca kale, mooshinnada oo dhan ma wada ahan in cid kalsoonida lagala noqonaayo, waxaa jira mooshino nacfi leh sida aad ka arki karto taxa mooshinada la horkeeney baarlamaanka ee sidii loo rabay u meelmaray.

Haddaba, Goobjoog News waxaa ay qeybtan 1aad, akhristayaasheeda dib u xusuusineysaa Mooshinnadii hareeyay baarlamaankii 9aad, kuwaas oo waqti badan ka lumiyay, isla markaana saameyn ku yeeshay shaqo badan oo laga rabay oo ay ugu muhiimsanaayeen dastuurka iyo doorashada qof iyo cod.

Kalfadhiga Koobaad:

Soo jeedin Mooshin:

  1. December 12, 2012: soo jeedin(Mooshin) in la hor keeno Golaha Shacabka 25ka xubnood ee Golaha Wasiirada Cusub. 

Kalfadhiga Labaad:

  1. April 6, 2013: 30 Xildhibaan ayaa Mooshin su’aalo lagu waydiinayo: U yeerid wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka in uu horyimaado golaha shacabka si su’aalo looga waydiiyo arimaha la xiriira amniga dalka.
  2. May 5, 2013: 92 Xil ayaa diiday, soo jeedin kalsooni kala noqosho xukuumadda.
  3. May 21, 2013: Archive, 10 Xil ayaa soo jeediyay Mooshin ka dhan ah Ciidamada Kenya ee Jubada hoose.
  4. July, 28, 2013: Archive, 20 Xildhibaan ayaa soo jeedisay in la dadajiyo sameynta shuruucdii axsaabta siyaasadda.

Kalfadhiga Sedexaad:

  1. September 10, 2013:, 40 Xildhibaan, soo jeedin(Mooshin) in lagu daro xeer-hoosaadka Golaha Shacabka in wasiirada, wasiir dowlayaasha, wasiir ku xigeenada loogu qaado codka kalsooni siinta mid mid.
  2. September 15, 2013: Kulanka Labaad, 28 Xil., soo jeedin Mooshin(Mooshin) in la horkeeno Golaha Baarlamaanka heshiiskii ay xukuumadda la gashay shirkadda Favori kuna saabsan garoonka Aden Adde.
  3. September 23, 2013:, 3 Xil. Soo jeedin, Su’aalo waydiin wasiirka arrimaha dibadda oo ku saabsan: 1. Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xirxiran dalal Afrikaan ah, 2. Ku talagalka Wasaaradaha ee xaaladda qaxootiga ee jooga dalal kala duwan. 3. Qaabka loo maray magaacbidda iyo isku shaandheynta Safiirada.
  4. Septemeber 25, 2013:, 40 Xil. Mooshin, aqoonsi iyo u magacaabid degmadii isku filnaata degmo buuxda.
  5. Novemeber 8, 2013:, 11 Xil. Soo jeedin Mooshin ku saabsan wasiirka Gashaandhiga iyo Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka si su’aalo loo waydiiyo.
  6. November 21, 2013: 167 Xildhibaan, Mooshin kalsooni kala noqoshada R.Wasaaraha iyo Xukuumadiisa.
  7. January 12, 2014: Kulanka 55aad, 35 Xil. Mooshin looga soo horjeedo in xukuumadda cusub lagu soo daro xubnahii golaha wasiirada ee Xukuumaddii xilka laga qaaday ee Mudane Saacid.
  8. January 14, 2014: Kulanka 56aad, 12 Xil. Mooshin ku saabsan in ajandaha laga saaro codeynta mooshinkii la horkeenay ee ku saabsanaa in aan lagusoo dari Karin xukuumadda cusub xubnihii xilka laga qaaday ee xukuumadda Mudane Saacid.

Kalfadhiga Afaraad:

Soojeedinta (Mooshin) la horkeeney golaha shacabka

Tirsiga   Mooshinka                                         Waqtiga               Kulanka                Tirada Xildh.      Gabagabo

  1. U Yeerid wasiirka waxbarashada 29/03/2014      Keydin                  12 xildhibaan      Soojeedin
    1. In uu horyimaado guddiga horumarinta
    2. Iyo adeegga bulshada
  2. Soo gudbin mooshin ku aadan hor 29/03/2014   Keydin                  12 Xildhibaan     Soo Jeedin
    1. Imaansho baarlamaanka wasiirka
    2. Amniga qaranka iyo wasiirka
    3. Arrimaha gudaha
  3. Mooshin xaqiiqo raadin odayaasha 1/04/2014 Keydin                  10 xildhibaan      Soojeedin
    1. Dhaqan ee lagu diley Buurhakabo
  4. Mooshin u yeeris guddiga dib u      1/04/2012       Keydin                  11 Xildhibaan     Soojeedin
    1. Heshiisiinta qaranka
  1. Mooshin ku saabsan ku darid 5/04/2014            Keydin  11 xildhibaan      soojeedin
    1. Miisaaniyadda madaxweybeed
    2. Cusub (horumarinta deegaanka
    3. Meesha uu ka yimid xildhibaanka)
  2. Mooshin ku aadan hor imaanshaha 07/04/2014         Keydin 10 xildhibaan      soo jeedin
    1. Baarlamaanka wasiirka dekadaha
    2. Iyo gaadiidka badda
  3. Mooshin ku aadan in ajandaha lagu 08/04/ 2014        Keydin 12 xildhibaan      Soojeedin
    1. Daro dhibaatada Soomaalida ku heysata
    2. Kenya
  4. Mooshin ku aadan soojeedin dib u eegis
    1. Xilka wasiirka arrimaha gudaha iyo fed. 30/04/2014 Keydin 65 Xildhibaan     Soojeedin
  5. Mooshin u yeeris Ra’isulwasaaraha 04/05/2014         Keydin 13 Xildhibaan     Soojeedin
  6. Mooshin in uu horyimaado golaha 05/05/2014         Keydin 15 Xildhibaan     Soojeedin
    1. Wasiirka maaliyadda iyo wasiiru
    2. Dowlaha (su’aal wadareed)
  7. Baaq soojeedin is casilaad madaxweynaha 05/05/2014 Keydin 106                         Soojeedin
    1. Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya
  8. Mooshin ka dhan ah wasiirka amniga qaranka 06/05/2014 Keydin 25 xildhibaan soojeedin
  9. Mooshin ka dhashay doodii su’aal 11/05/2014 keydin           26 xil      soojeedin
    1. Wadareedka arrimaha gudaha
  10. Ka laabasho baaqii is casilaadda 19/05/2014         Keydin 15 xild   soojeedin
    1. Madaxweynaha JFS
  11. Mooshin ka dhan ah aqoonsiga 28/05/2014         Keydin  10 xildh Soojedin
    1. Sedexda gobol
  12. Soojeedin wax ka badalis hindise 21/06/2014         Keydin 13 xildh  soojeedin
    1. Sharciyeedka dhismaha gudiga adeegga
    2. Garsoorka

Kalfadhiga  Shanaad:

Mooshin:

  1. Waxaa baarlamaanka la horkeeney illaa 5 mooshin, waxayna kala ahaayeen sida soo socota
  2. 20/09/2014 : Mooshinka ku saabsan jabinta qaraarkii baarlamaanka ee la xiriiray shirkadda Al-Beyrak ee dekeda Muqdisho
  3. 02/12/2014 : Mooshinka Kalsooni Kala Noqoshada Xukuumadda
  4. 21/01/2015 : Mooshin ku saabsan xoojinta qodobadii madaxweynaha kaga dhawaaqay 21-dii Janaayo ee ku saabsan xuskii 42 guuradii kasoo wareegtey farta Soomaaliga
  5. 28/01/2015 : Mooshin ku saabsan sixitaan hindise sharciyeedka hanti-dhawrka guud ee qaranka
  6. 29/01/2015 : Mooshin ku saabsan in xukuumadda loo codeeyo 31-da Janaayo 2015.

Kalfadhiga 6aad:

Kulankii 3-aad ee Kalfadhiga 6-aad oo dhacay May 13, 2015, Waxaa la qeybiyay Mooshin ka dhan ah dhismaha golaha Wakiilada Maamul Goboleedka KMG ah ee Jubbooyinka.

Kalfadhiga 7aad:

Mooshin Darbiga Kenya, Waxaana la ansixiyay Qaraar la xiriira Mooshinka Darbiga Xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.

Mooshin Ku  saabsan Milkiyadda Ex-Baarlamaan.

Kalfadhiga 8aad

Mooshin ku saabsan dhameystirka meteaalladda beelaha ka maqan golaha shacabka

Sulaalo xukuumadda la weydiiyay

 Goobjoog News