U bood dhigaalka

Jawaari Oo Akhriyay 15 Qaraar Oo Isra’il Ay Ku Tumatay, Cambaareeyana Go’aanka Trump

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa halis ku tilmaamay go’aanka madaxweynaha Mareykanka Trump ee arrinta Qudus.

Qoraal uu Jawaari ka hor akhriyay golaha shacabka, waxaa uu soo qaatay qaraarada uu derbiga ku dhuftay Trump ee ka soo baxay golaha ammaanka.

Qoraalka waxaa uu qornaa sidan:

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxuu 6 Desember 2017 magaalada Qudus u aqoonsaday magaalo madaxda Israa’iil, go’aankiisaas oo qalaamorogay go’aanadii wadar ogolka caalamku isku raacay oo muddo konton sano  soo jiry 1967-2017. Magaalada Jerusalem, kala barked waxaa xoog hubeysan ku qabsatay Israa’iil dagaalkii 1967.

Sanadkii 1980 Israa’iil waxay ansixsatay sharci ay ku caadeysay  in magaaladaas ay gebi ahaanteed ka mid tahay dalkeeda taas oo xadgudub toos ah ku ah qawaaniinta caalamiga ah . haseyeeshee shacbiga Falastiin waxay aaminsan yihiin Bariga magaalada Jerusalem in tahay magaalo madaxda dowladooda tan iyo 1967 qaraaro fara badan oo uu u abaaran xallinta iyo badbaadinta xaaladaha murugsan ee magaalada ay QM iyo hay’adaheedaba ka soo saareen .

Qaraarada Golaha Ammaanka QM:

  1. Qaar Lr .242: 22 November Resolution 1967 Golaha ammanku  wuxuu  qaraarkan wadar oggol ku go’aamiyey in Israa’iil ciidamadeeda Qalabka sida kala baxdo dhulka Falastiin ay xoogga ku qabsatay dagaalkii 1967.
  2. Qaraar Lr. 250 Abriil 1968, wuxuu Golaha ammaanka ku go’aamiyey in Israa’iil aanay dhoollatus ku qaban magaalada Jerusalem,
  3. Qaraar Lr: 2 Maajo 1968 golaha wuxuu Israa’iil ku cambaareeyay dhoolatuska ay ku qabatay magaalada Jerusalem, taas oo ay ku xadgudubtay qaraarka golaha ammaanka.
  4. Qaraar Lr. 252: Maajo 1968 goluhu wuxuu Israa’iil ka codsaday in ay joojiso hawlgallada ay ka wado Jerusalem,, wuxuu kaloo Goluhu cambaareeyay kana soo horjeedaa dhulka kasta oo ay xoog hubeysan iyo gadgudub ku beeleysato, Goluhu  wuxuu Israa’iil faray in ay ka joogsato oo aanay qaadin taallabo dambe oo wax ka bedel kara maqaamka magaalada.
  5. Qaraar Lr. 267: Luulyo 1969,  wuxuu Goluhu dib u ayiday qaraarka Lr 252, wuxuuna ku adkeystay in aan marna la oggolaan Karin in la yeesho dhul  lagu qabsaday xoog milatari.
  6. Qaraar Lr 271 : Seteember 1969, golaha wuxuu Israa’iil ku cambaareeyay dabkii qabsaday masjidka aqsa as-shariifka khasaarooyinka geystay , dhismahaas oo ay israa’iil xoog ku haysato . waxaa la faray in israa’iil ay ilaaliso axkaamta ku xusan cahdigii Geneva oo aysan horistaagin gacan ku haynta iyo hawlahood dayacatiridda.  golaha sare ee muslimiinta Jerusalem, oo qorshooyinka hawlahooda ka mid yihiin gacan ku haynta iyo dayactiridda dhismooyinka  muqaddaska u ah magaalada ku yaal.
  7. Qaraar Lr. 298: Semtember 1971, wuxuu si cad oo aan caad saaraneyn u qeexay in uu sharcidarro yahay wax ka badelka milkiilayadeed kasta oo ay ku sameeyso Jerusalem, oo ka mid yihiin dhulka boob lagu milkiyad guuristo.
  8. Qaraar Lr 465 maarso 1980, wuxuu goluhu faray Israa’iil inay joojiso qorshah ay ku wado dhismooyinka beeleysiga ah ay ku degaameyneyso dhulkii ay xoogga ku qabsatay dagaalkii 1967 oo magaalada Jerusalem, ka mid tahay, goluhu wuxuu kaloo ka codsaday in ay dhismooyinka ay deegaamadaas ka dhistayna ka dudumiso.
  9. Qaraar Lr 30 juun 1980, Golaha ammaanka QM wuxuu dib u ayiday in loo baahanyahay in waxa laga qabto joojinta beeleysiga dheeraaday oo ay Israa’iil xoogga ku haysato dhululka carabta tan iyo 1967 wuxuuna goluhu dib ugu adkaysatay fal kasta oo wax ka bedel milkiyadeeda lagu sameeyay magaalada Juresalem waa wax kama –jiraan waana in dib loogu noqdaa.
  10. Qaraar Lr478: Agoosto 1980, Golaha Amniga wuxuu si adag u cambaareeyay sharciga Israa’iil anisixisatay kaas oo wax ka bedel ku sameeyay maqaamka Jerusalem. Qaraarka wuxuu dhammaan dowladaha Safaarado ama xarumo  diblomaasi ku leh Juresalem uu ugu baaqay in ay safaaradahooda kala baxaan magaaladaas.
  11. Qaraar 672 : October 1990, Goluhu wuxuu cod dheer u sheegay dareenkiisa ku saabsan adeegisga cunfiga ah gacan ka hadalka ee sababay in ay ku geeriyoodaan in ka badan 20 qof oo falastiiniyiin ah. Qaraarka waxaa kaloo lagu cambaareeyay falal dambiyeedka cunfiga ah ee ay ku kacaan ciidamada amniga israa’iil wuxuuna Israa’iil ku tilmaamay in ay tahay mid dhulka xoog sharcidarro ah ku haysato.
  12. Qaraar Lr 1073 Semtember 1996, golahu wuxuu welwel ka muujiyey arrimaha la xiira israa’iil oo furtay xaluulad dhulka hoostiisa ah ee u dhow masjidul Aqsa oo dad badan oo rayid ah ku dhinteen, wuxuuna ku baaqay in la xaqiijiyo ilaalinta amniga badbaadinta muwaadiniinta falastiiniga ah rayidk ah.
  13. Qaraar Lr 1322 7 October 2000, wuxuu si xoog le u cambaareeyay booqashada hoggaaamiyaha mucaaradka Ariel Sharon ku tagay masjidul Aqsa iyo qalalaasihii cunfiga wehliyey ee halkaas iyo meelo kaloo muqaddas ah ka dhacay sababayna dhimasho in ka badan 80 qof oo falastiini ah.
  14. Qaraar Lr2334: December 2006, wuxuu goluhu cambaareeyay dhismooyinka beeleedka israa’iil ku deegaameysaneyso dhulalkii ay xoogga ku qabsatay 1967 oo ay bariga Jerusalem ka lid tahay. Golaha amniga QM waxay hoosta ka xariiqday in aysan aqoonsanayn wax ka bedel kastoo lagu sameeyo jiidamihii sooh-dimadii hore oo jiray dagaalkii 1967 ka hor, wuxuuna si cad u sheegay in joojinta dhammaan hawlgalka Israa’iil ka waddo dhismooyinka deegaameysiga waxay dan lagama maarmaan u tahay badbaadinta jirsiinta xalka dhismaha dowladdooda.
  15. Qaramada 1397: Maarso Goluhu wuxuu Hogaamiyeyaasha Falastiin iyo Israa’iil ugu baaqay in ay dib ugu laabtaan geedisocodka nabadda iyo kuwada xaajoodka u abbaaran xal raadin siyaasadeed

Goobjoog News