U bood dhigaalka

Jawaari Oo Ka Degay Baydhabo (SAWIRRO)

Sheeko:Dalka

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka federaalka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed.

Xildhibaan Maxamed Jawaari oo deegaan doorashadiisu tahay Koonfur Galbeed ayaa waxaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Baydhaba, iyadoona soo dhaweyntiisu ay ka qeyb galeen qaar kamid ah Musharixiinta u taagan Hogaanka Koonfur Galbeed, Waxgarad iyo Shacab farabadan.

Xildhibaan Maxamed Jawaari ayaa Baydhabo u tegay la socodka doorashada madaxtinimo ee maamulkaasi oo dhowaan la filayo inay ka dhacdo Baydhabo.

Prof. Jawaari ayaa ujeedkiisu yahay sidii uu ula socon  lahaa Arimaha Doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya ee la filayo inay dhawaan ka dhacdo Magalada Baydhaba.

Waxaa la filayaa in kulamo uu magaalada kula qaato masuuliyiin kale duwan iyo bulshada qeybaheeda kale duwan.

 HOOS KA DAAWO SAWIRRADA:

 

 

Goobjoog News