U bood dhigaalka

Jawaari Oo Ka Hadlay Is Casilaaddiisa

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyahii golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta oo Talaado ah waxa uu saxaafadda uga warbixiyey is casilaaddiisa.

Ugu horreyn Jawaari ayaa sheegay in uu qaatay talooyin badan oo shacabka ka yimid, islamarkaana ahaa in la kala roonaado, sidaasi darteedna uu isku casilay.

Arbacada berri ah ayuu sheegay in golaha shacabka uu dib ugu celin doono mas’uuliyaddii ay markii hore u doorteen.

“Waxaan aad u tixgeliyey talooyinkii badnaa, waxaan kasoo qaadday hal eray oo ah hala kala roonaado, sidaasi darteed ayaan go’aan uga gaaray in xil hayntii golaha shacabiga u hayey in berri Arbaco ah inaan xilkaasi iyo amaanadaasi horay iigu dhiibteen xildhibaannada inaan iyaga u celiyo”

Jawaari oo hadalkiisa sii wata ayaa ka digey in khilaafka madaxda Soomaaliyeed lala aado dalalka dibadda ah, lagana fogaado farogelin shisheeye.

“Waa lagama maarmaan shaciga in loo naxo, ma qaadi karo shacabka murugo iyo dhibaato badan, waxaan go’aansannay in arrintaasi uga roonaano, waxaan rabaa inaan xusiisiyo Soomaaliya iyo dowladnimada Soomaaliyeed wey inaga weyn tahay…. arrinta kale ee illaa bishii August markii xilkaan la ii dhiibay arrimaha aan ku adekeystay kuna adkeysanayo waxay tahay inaan iska ilaalinno farogelin shisheeye, in arrimaha dalka gudahiisa ka dhaco aan loo aadin dalal shisheeye oo lagu xaliyo gudaha dalka, waxaan leenahay gole shacbi”

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa Isniintii shalay ahayd, waxa uu warqad is casilaad ah u diray madaxweyne Farmaajo, kadib khilaaf muddo soo jiitamayey.

Goobjoog News