U bood dhigaalka

Jawaari Oo Ka Hadley Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada Federaalka

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo maanta muuqaal soo duubey ayaa sheegay inuu fariin u dirayo dadka Koonfur iyo galbeed iyo dhammaan umadda, kana hadlayo is-badallada iyo doorashooyinka ka dhacaya Soomaaliya 2 sano iyo barka soo socda.

Mr. Jawaari waxaa uu sheegay in isbadallada ya bilaambi-doonaan November sanadkan “Dhawaan, waxaa bilaaban-doona doorashooyin badan oo is daba-joog ah, November waxaa foodda nagu soo haya tan Koonfur galbeed, December ilaa January waxaa foodda nagu soo hayo doorashooyinka Puntland, waxaa xigi-doonna bilayaal ka bacdi tan Jubbaland, banankood marka madaxda fulinta ee xukuumadaha ayaa doorashooyinkooda la galaa, inta aan madasha federaalka dhammaanina badanaa baarlamaannada gobollada waxaa ay galayaan doorashooyin, kadib waxaa la geli-doonnaa doorashooyinkii baarlamaanka 11aad ee 2bada aqal, marka goorteeda ayaa la gaaray markii la is qiimeyn lahaa la is qadarin lahaa”

Guddoomiye Jawaari waxaa uu dadka kula taliyey inay madaxda qiimeeyaan inta aaney dooran“Waxaa jiro xaalado ay dowladda geel-jire ka tahay, ha ahaadaan arrimaha siyaasadda, arrimaha dhaqaalaha, kan maamulka, kan bulshada, tacliinta cadaaladda, amniga, caqiidada iyo dhaqanka suuban…dhammaan arrimahaas waa in la qadariyo, maxaa hirgalay, maxaa noo hirgelin, ka bacdina loo doorto, yaa wadi kara, haddii kuwa haayo ay wanaagsanyihiinna loo cusbooneysiiyo, haddii kalana la wareejiyo, oo cid kale oo alle ka cabsi leh, oo umadda ka naxayo in la keeno”.

Sanadkan iyo midka dambe, waxaa guud ahaan Soomaaliya ka dhacaya isbadal ku iman-doonaa 3 dowlad goboleed, Koonfur galbeed, Puntlnad iyo Jubbaland, waxaana socda loolal iyo xulufeysi.

Goobjoog News