U bood dhigaalka

Jawaari Oo Maanta Xilka Wareejinaya

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyihii golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa lagu wadaa inuu goordhow ku wareejiyo xilka guddoomiyaha la doortay Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Munaasabad kooban ayaa ka dhici doonto xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho oo ay hadda ku sugan yihiin guddoonka iyo xildhibaanada golaha shacabka.

April 30, 2018 ayaa waxaa ay golaha shacabka guddoomiye cusub u doorteen Maxamed Mursal Sheekh isaga oo lagu wado in maanta laga bilaabo uu guda-galo sidii loo soo celin lahaa shaqada golaha shacabka oo istaagtay hal kulan kadib kalfadhigan 3aad.

Wararka Xil-wareejinta kala soco, Goobjoog News