U bood dhigaalka

Jawaari Oo Safar U Baxay Iyo Shacabka Soomaaliyeed Oo Baadi-goobaya Xildhibaannadii Ay Doorteen

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa lagu waramayaa in uu safar ugu amba-baxay dalka isaga oo aaday Nairobi, Kenya, Jawaari waxaa uu la kulmi doonaa deeq bixiyeyaasha beesha caalamka.

Safarka Jawaari waxaa uu imaanayaa maalmo kadib markii Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ay kutlad uga dhawaaqeen magaalada Nairobi taasi oo lagu sheegay mid mucaarad ah.

Xildhibaannada qaar oo isla golahaasi ka tirsan waxaa ay tababar u joogaan magaalada Kampala ee dalka Uganda iyada oo laga hadlayo dib u egista Xeer- Horsaadka golaha shacabka.

Dhinaca kale, Goobjoog News oo baaritaan ku sameysay halka ay aadeen Xildhibaannada fasaxa kadib, waxaan ku ogaannay in aaney jirin weli Xildhibaan ka tirsan labada aqal oo kulan la qaatay dadka ku nool deegaannadii laga soo doortay.

Waxaa jira Xildhibaanno tagay Baydhabo, Garoowe, Boosaaso iyo Kismaayo laakin weriyeyaasha Goobjoog News ee goobahaas ku sugan waxaa ay soo ogaadeen in ay u tageen arrimo la xiriira qoys iyo qaraabo salaan.

Xildhibaannada ka yimid Galmudug iyo Hirshabeelle arragooda waa la la’yahay,  weriyeyaasha jooga halkaasi waxaa ay sheegayaan in dadka isweydiinayaan halka ay ka baxday ballantii aheyd in 15 maalmood ay Xildhibaannada la joogaan deegaannadii laga soo doortay.

Baarlamaanka 10aad ayaa ku jira fasax labo bil ah, Xildhibaannada labada aqal ee golaha shacabka iyo aqalka sare waxaa laga sugayaa deegaannadii laga soo doortay in ay tagaan, isla markaana ay dhageystaan cabashada dadkii doortay, arrintaas oo aan weli dhicin.

Goobjoog News waxaa ay bilaabeysaa barnaamijyo tixane ah oo dadka gobollada dalka ku nool ay ku soo gudbinayaan cabashada ay ka qabaan deegaanka, maamulka goboleedyada, Xildhibaannada matala ee federaalka, gaabiska dowladda dhexe iyo adeegyada ay tabayaan.

Goobjoog News