U bood dhigaalka

Jawaari: Xildhibaanka Mooshin Lagama Reebi karo….Baarlamaankuna Waxa uu Yeelan Doonaa Dhisme 7 Dabaq Ah

Sheeko:Dalka

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, guddoomiyaha Golaha Shacabka oo galabtii Isniintii dood ay warbaahinta dowladda qabatay ka hadlayey ayaa sheegay in baarlamaanku uu xoogga saarayo arrimaha la xiriira dhammeystirka Dastuurka, Xisbiyada, Sharciga Doorashooyinka, Dhismaha  Golaha Sare ee Garsoorka, isaga oo intaasi raaciyay in golahan qaybna siyaasad tahay, qaybna farsamo, isla markaana uu ka socon la’yahay go’aannada siyaasadeed.

Mar uu ka hadlayey doorashada 2020-ka, waxaa uu sheegay in aan la ogeyn waxa dhici-doona, oo haddii laga soo bixi waayo shuruudaha Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka aan la saadaalin karin sida ay wax noqon-doonaan 2020-ka.

Maqaamka Muqdisho: waxaa uu sheegay in ay jiraan 3 qaab oo miiska saaran; In laga dhigo deegaan federaal ah, in ay noqoto Dowlad-goboleed iyo in loo doorto Magaallo-madax ku dhex taalla dowlad-goboleed.

Aqoonsiga Muwaadinka: waxaa uu ka hadlay in aan weli go’aan laga gaarin, oo soo-jeedinnada ay ka mid yihiin in jinsiyad lagu saleeyo ama aqoonsiga diiwaan-gelinta cod-bixiyaha.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxaa wax laga weydiiyay goorta ay Xildhibaannada ku biirayaan axsaabta, arrintaas waxaa uu uga jawaabey Goortii alle yiraahdo” isaga oo intaasi raaciyay in 3 qaab u furan tahay Xildhibaanka oo kala ah in uu xisbiyada jira ku biiro, in uu isaga xisbi sameysto iyo in uu noqdo Xildhibaan madaxbannaan.

Muuqaalka dayacan ee dhismaha Aqalka Baarlamaanka: waxaa uu sheegay in uu tusaale u yahay burburka,  laakiin hadda la dhisi doono, oo naqshadii dhammaatay, waxaana la raadinayaa meel KMG ah,  dhismaha cusub ee baarlamaanka yeelan-doonana waa 7 dabaq, waxaa uu xarun u noqon doonaa labada aqal, Xildhibaanku xafiiskiisa ayuu yeelan doonaa, waxaana ku baxeysa ilaa 100 Milyan, waxaa mashruuca dhismaha la wareegay Turkiga.

Arrinta Mooshinnada waxaa uu Jawaari sheegay in soo-jeedinta (Moshin) ay weligeed jireyso, kana mid tahay shaqada Xildhibaanka, laakiin arrinta kala-dirista xukuumadda waxaa uu qabaa in haddii shaqo xumo jirto la cayrinayo si beddel fiican loo helo.

Goobjoog News