U bood dhigaalka

Jeneraal Cali Gaab: Waa In La Sugaa Amniga Hoteellada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Taliyahii hore ee ciidanka Booliiska qeybta gobolka Banaadir Cali Xirsi Barre (Gaab) ayaa sheegay in ciidanka Booliiska iyo guud ahaan laamaha amniga ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay kaalin xooggan ka qaadan doonaan sidii ay u sugi lahaayeen amniga Hoteellada Muqdisho.

Taliyaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya laga doonayo iney kaalin ka qaadato sidii loo garab istaagi lahaa Hoteellada, gaar ahaan kuwa kasoo kabanaya weeraradii Al-shabaab ay ku qaadeen.

“Waxaan ballanqaadeynaa inaan la dadaaleyno aniga oo ku hadlaya magaca ciidanka Booliiska Soomaaliyeed haka baaqsanina, hana shakina, ninkii tiisa gasho ayaa dhimanaya, hadana waxaan idiin sheegeynaa inaan idiin garab taagannahay oo amnigiina inaan sugno kaalin ka qaadaneyno” ayuu yiri Jeneraal Cali Gaab.

Jeneraal Cali Gaab ayaa hadalkaan ka sheegay mar uu habeenkiii xalay ahaa ka qeybgalayey dib u furista mid kamid ah Hoteellada Muqdisho ee ku burburay weeraradii Al-shabaab kuq aadeen.

Al-shabaab ayaa marar badan weeraro ku qaadey hoteello ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana hoteelladaasi ku dhintey dad u badan shacab.

Goobjoog News