U bood dhigaalka

Jeneraal C/laahi Gaafoow oo Ka Digay Tahriibka iyo Kooxaha Loo Yaqaano Ma Gefayaasha

Sheeko:Dalka

Taliyaha hey’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha Jeneraal C/laahi Gaafoow oo u waramayey warbaahinta Dowladda  ayaa uga digay waalidiinta caruurtooda tahriibiyaan una gacan geliyaan kooxaha loo yaqaano ma gefayaasha, isagoo intaa ku daray n kooxaha ma gefayaasha loo yaqaano ay xarumo qarsoodi ah ku leeyihiin gudaha dalka, isagoo xusay in hey’addu ku dabajoogto kooxahaasi si sharciga loo horgeeyo.

“Horta tahriibka waa la soo yareeyay waxaa la rabaa marka waalidiinta iney gacan ka geystaan in ilmahooda aysan u ogolaan ma gefayaasha, marki liibiya lagu qabsado ilmahooda wa welwelayaan” ayuu yiri Jenaraal Gaafoow.

Wuxuu ku boorriyay dhalinyarada Soomaaliyeed ee aqoonta leh iyo bulshada qeybaheeda kale iney hey’adda kala shaqeeyaan oo ay gacan ka siiyaan soo qabashada kooxaha tahriibiya dhallinyarada kaddibna u gacan geliya ma gefayaasha kuwa loo yaqaano.