U bood dhigaalka

Jeneraal Fartaag “Saacadaha Soo Socda Waxaa Naga Soo Bixi Doona Isbedal Kale Oo Degdeg Ah”

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa mar uu ka hadlayay mooshinkii shalay ee baarlamaanka u codeeyay waxa uu sheegay in ka maamul ahaan ay saacadaha soo aadan ay la imaan doonaan Isbedal degdeg ah oo uusan sheegin waxa uu yahay.

Fartaag ayaa u yeeray xildhibaanada baarlamaanka ee kasoo jeeda deegaanada Puntland, isaga oo tilmaamay in ay wada yeelan doonaan wada tashi.

“Waxaan fareynaa dhammaan xubnaha baarlamaanka ee kasoo jeeda Jubbaland in si degdeg ah kusoo galaan si loo sameeyo wada tashi, saacadaha soo socda waxaa naga soo bixi doona Isbedal kale oo degdeg ah” ayuu yiri Fartaag.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u codeeyay mooshin ka yaallay Baarlamaanka Jubbaland, waxaana maamulkaasi uu isna ku dhawaaqay markii baarlamaankooda la diiday in xiriirka ay u jareen dowladda Federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News