U bood dhigaalka

Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib “Milatariga Soomaaliya Ma Haysto Daryeel”

Sheeko:Dalka

Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib oo ah qabiir dhanka ciidamada, islamarkaana xilal kala duwan oo dhanka ciidanka ah soo qabtay, ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya, in iyada sabab u tahay ciidamada xoogga dalka ee isaga baxaya meello ka mid ah gobalada dalka.

Waxa uu sheegay Jeneraalka in dowladda Soomaaliya aysan ciidamadaasi siinin daryeelkii ay u baahnaayeen, taasina ay keentay in ay dib uga baxaan deegaanadii ay Al-shabaab horay uga qabsadeen.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu sheegay in xilligaan looga baahan yahay in xil gaar ah ay iska saarto daryeelka ciidamada xoogga dalka, si isbedal amni loo helo.

“Mabda’a aan qabo ayaa ah in ciidamada Kenya iyo Itoobiya ay dalka ku sugan yihiin ma dhamaaneyso dhibaatada Soomaaliya, waxaa la yiraahdaa Milatariga waa dayacan yahay mana haysto daryeel wanaagsan, waana dhibaata ugu daran ee jirta, ciidankana waa in ay helaan daryeel ku filan” ayuu yiri Jeneraalka.

Ciidamo ka mid ah dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ka baxay deegaanno ka mid ah gobalka Shabellaha Hoose, ka dib markii ay aad cabasho uga muujiyeen daryeel la’aan iyo mushaarkoodii oo aysan helin.

Goobjoog News