U bood dhigaalka

Jeneraal Qaalib Oo Iska Diidey Xil Uu u Magacaabay Madaxweyne Farmaajo

Sheeko:Dalka

Jeneraal Jaamac Qaalib ayaa sheegay inuu iska diidey xil uu u magacaabay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Jeneraal Qaalib oo Wareysi siiyay Goobjoog ayuu ku sheegay inuu ka cudurdaartay xilkaasi loo igmaday ee ahaa madaxa taakuleynta ciidanka Soomaaliya.

Waxa uu tilmaamay in madaxweynaha uusan kala tashan arrintaasi oo uu u malaynayo in si qalad ah ay ku dhacday.

Jeneraalka oo ka mid ah ciidankii dowladdii dhexe ee dalka soo martay ayaa sheegay in uusan awoodin qabashada xil kale oo uu hadda ku howlan yahay in dhallinyarada Soomaaliyeed uu u kordhiyo wixii aqoon ah oo uu isaga dalka waayo joog uga soo ahaa.

“Xilkaasi waan ka cudurdaartay mid aan qaban karo maaha, iyadoo sabab kale la sheegin, anigu himiladeydu waxa weeyaan wixii aan taariikh Soomaaliyeed ka garanayo inaan dhallinyarada jaamacadaha dhigta u gudbiyo, taana waan ku howlanahay, wax kalena kuma dari karo, marka waan ka cudur daartay, madaxdana waan u gudbiyey, aniga la igalama tashan mana aqbalin sababo kale weeye taasi, mar horey la ii weydiiyeyna waan ka cudurdaartay oo ma qabanayo ayaan ku iri, waxaan filayaa in si qalad ah ay ku dhacday, haddii iyaguba wax i weydiin inaan wax sheego kuma qasbaneen”

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa waayadan dambe waddey qorshe ballaaran oo ay dib ugu dhiseyso ciidan qaran oo hanta guud ahaan dalka.

Goobjoog News