U bood dhigaalka

Jeneraalka Gadoodey ee Puntland oo Sheegey in Kaliya Ay Doonayaan Xuquuqda Ciidamada

Sheeko:Dalka

Jeneraal Muxyadiin oo ahaa taliye ku xigeenkii ciidamada booliiska Puntland ee uu xilka ka qaaday Cabdiwali Cali Gaas ayaa sheegey in ciidankiisa sababta ay u gadoodeen ay tahay oo kaliya in aysan helin xuquuqihii ay dowladda ku lahaayeen iyo mushaaraadkii.
“Aniga iyo madaxweynaha wax noo dhaxeeya ma jiraan, xuquuq la’aan ciidamadii aanan wax mushaar ah la siinin, lacagtiina soo baxayso , xuquuqda ciidanka baan la gadoodey ma ahane wax kale ma jiraan, xilku waa meerto, maalintii la doonaa la’iga qaadi karaa, xilka waxaan eed iyo dhib ahayn laguma qabo” ayuu yiri Jeneraal Muxyadiin oo intaasi ku daray in guutada 54 ee ciidamada Puntland aysan wax mushaar ah qaadanin 16 bilood, taasina ay ka dhigantahay in la doonayo in la burburiyo ciidamada.
Waxa uu Jeneraalkani sheegey in ay isaga soo baxeen aaggagii dagaalka, gaar ahaan meel ay isku horfadhiyeen ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland.
Wasiirka amniga Puntland Cabdi Cali Xirsi Qarjab ayaa isagu dhankiisa sheegey sheegey in aysan daw ahayn in mas’uul xilka laga qaaday uu gadood sameeyo, wuxuuna intaasi ku daray in aanan marnaba loo dulqaadan doonin cid kasta oo qalqal galineysa amniga Puntland.
“Xiisadan hadda jirta waa mid soo socotay muddo bilo ah, wax dhibaato oo sidaasi usii weyna ma jirin, qaladaad yaryar ayay sameeyeen niman ciidamada ka mid ah, waxaa weeye qaladka dowladda ma lahan, qaladka waxaa leh qofka mas’uulka ah ee xil marka laga qaaday ay waajibaadkiisa ahayd in uu u hogaansamo” ayuu yiri wasiirka.
Wasiirka ayaa sheegey in talaabo cad ay ka qaadanayaan cid kasta oo qalqal galisa amniga Puntland, balse iyada oo ay sidaasi tahay ay waanwaan iyo xal raadin ku dayayaan sidii loo dhameyn lahaa arrinka.
Goobjoog News