U bood dhigaalka

Jeneraalkii Ka Gadoodey Ciidamada Puntland oo Garoowe Lagu Soo Dhaweeyey

Sheeko:Dalka

Jeneraal Muxyadiin Axmed Muuse oo muddo labo bilood ah isaga iyo ciidamo uu hoggaaminayo ay duurka ku jireen iyaga oo gadoodsan ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe kadib markii heshiis laga gaaray khilaafkii kala dhaxeeyey madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Jeneraal Muxyadiin oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegey inay soo ajiibeen codsi uga yimid isimmada Puntland, Ra’isal Wasaaraha Dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha Jubaland, codsigaas oo ku aaddanaa inay Garowe soo galaan, si loo sii ambaqaado dadaallada nabadeynta ee todobaadyadii lasoo dhaafay socdey.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Ra’isulwasaare Cumar Cabdirishiid ayaa maalmahan dhexdhexaadin ka dhex waday madaxweynaha Puntland iyo jeneraalka oo isku dhacay kadib markii madaxweynaha uu xilka ka qaaday jeneraalka oo ahaa taliye ku xigeenka ciidamada booliiska Puntland.

Goobjoog News