U bood dhigaalka

J/hoose: Dad Ku Dhaawacmay Duqeyn Ay Diyaaradaha Kenya Geysteen Oo La Keenayo Muqdisho

Sheeko:Caafimaadka

Qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay duqeyn ay diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya ka geysteen gobolka Jubada Hoose, gaar ahaan deegaanno ku dhow Kismaayo ayaa lagu wadaa in loo soo qaado magaalada Muqdisho.

Dhaawacyadan oo yaalla Isbitaalka Kismaayo ayaa la sheegayaa iney xaaladooda aad u daran tahay, waxaana lagu wadaa in la keeno Isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho.

Cismaan Isaaq oo ah ehlada dadkii ku dhaawacmay duqeyntan ayaa u sheegay Goobjoog News, in maanta ay magaalada Muqdisho keeni doonaan Hooyo iyo Gabadheeda oo aad halis u ah xaaladooda caafimaad.

“Labo qof ayaan maanta Muqdisho usoo qaadeynaa, xaaladooda aad bay u liidataa, waxaana ay yihiin hooyo iyo gabadheeda, dadka isbitaalka dhaawac ahaan u jiifa waa Afar, Isbitaalka Kismaayo wax waa uu ka qaban waayay dadkaan” ayuu yiri Cismaan.

Deegaan ku dhow deegaanka Beerxaani ee gobolka Jubada Hoose waxaa maalin kahor duqeyn culus ka geystay diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya, waxaana halkaasi ku dhintey Afar qof, iyadoo Afar kalena ay ku dhaawacmeen.

Goobjoog News