U bood dhigaalka

Joe Biden Oo Turkiga Booqanay Xilli Mareykanka Lagu Tuhmayo Shirqoolkii Afgambiga Dhicisoobay

Sheeko:Dalka

Waxaa dalka Turkiga booqanaya madaxweyne ku xigeenka dalka Mareykanka Joe Biden bil kadib afgambigii dhicisoobey ee lala maaganaa madaxweyne Ordogan.

Safarka Biden waa uu ka duwan yahay safarka Obama ee 2009-kii, Xilligaas oo Turkiga uu noqday dalkii ugu horeeyay oo Islaam ah uu ninkaas booqdo isagoo ku ammaanay Turkiga kaalinta ay uga jiraan Islaamka iyo Caalamka.

Si maalintaas ka duwan maanta Obama iyo maamulkiisa waxaa lagu eedeynayaa in ay si dadbadn ugu lug lahaayeen afgambigii dhicisoobey ee ka dhacay Turkiga.

Fatxulahi Gulen oo ah wadaadka lagu tuhunsan yahay in uu abaabuley afgambiga waxaa uu ku nool yahay Mareykanka, hadaba lama oga waxa uu sheegi doono Joe Biden iyo sida ay Turkiga dhihi doonaan.

Goobjoog News