U bood dhigaalka

John Kerry oo la dhigay Isbitaal Ku Yaalo Geneva, Switzerland.

Sheeko:Dalka

Xogheyaha arimaha dibadda dalka Mareykanka ayaa isbitaal la dhigay kaddib markii uu galay shil isagoo kaxeynayey baskiil.

John Kerry xiliga uu dhaawacmay waxaa la sheegayaa in ku kaxeynayey baskiilka meel ku dhow buuraha Alps ee dalka Faransiiska.

Dhaawaca Kerry waxaa loola cararay Isbitaal ku yaalo magaalada geneva ee dalka Switzerland.

Afhayeen u hadlay xoghayaha ayaa sheegay in xaaladiisu ay degantahay, una badantahay in uu ka dhaawacmay lugta.