U bood dhigaalka

Jowhar: Doorashada Aqalka Hoose Oo Billaabatay

Sheeko:Baarlamaanka

Doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka billaabatay goor dhow mar kale maanta magaalada Jowhar.

Seddex kursi oo ka tirsan baarlamaanka federaalka ayaa lagu wadaa in lagu doorto magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

Kursiga koowaad ee seddexda kursi ee maanta la dooranayo waxaa ku tartamaya labada musharrax ee kala ah Maxamed Axmed Beereey iyo Cabdulqaadir Carabow Ibraahim.

Tirada guud ee laga rabo in laga soo doorto Hirshabeelle waxaa ka dhimanaan doona seddex musharrax oo maalmaha soo socda la gabagabeyn doono.

Wixii soo kordha dib kala soco

Goobjoog News