U bood dhigaalka

Jowhar: Fowdo Ka Socota Dhismaha Maamulka Hirshabelle, Maku Jirtaa Dowladda Federaaka ah?

Sheeko:Baarlamaanka

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dhismaha baarlamaanka 2aad ee Hirshabelle iyada oo khilaaf uu ka jiro burbur keeni kara, dadka qaarna ku sheegayaan fawdo siyaasadeed.

Iyada oo magaalada Jowhar ay weli ka soconayaan dadaallada  dhismaha iyo soo xulista xildhibannada Baarlmaanka labaad ee Hirshabeelle ayaa waxaa halkaasi tagay qaar ka tirsan odeyaasha beelaha, ergada iyo xataa dad doonaya iney xildhibaanno u tartamaan.

Marka laga soo tago shaqada socota waxaa jiro caqabado dhowr ah, kuwaas oo ku hor gudbad in la soo dhiso baarlamaan ay u wada dhan yihiin lada gobo lee Hirshabeelle ee Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Waxgaradka beesha Xawaadle ee ku sugan magalada Baladweyne oo hoggaaminaayo ugaaskooda ayaa sheegay in waxa ka socda magaalada Jowhar ee lagu dhisayo Hirshabeelle aysan shaqo ku lahyn, beeshaas oo dooneysa madaxweynnimada ayaa qaadhacday hawlaha socda.

Dhanka kale, wararka ka imaanaya Jowhar ayaa sheegaya in sidoo kale uu jiro khilaaf u dhaxeeya maamulka sare sida madaxweyne Maxamed Waare iyo ku xigeekiisa Cali Guudlaawe, midka hore waxaa uu doonayaa in dhismaha looga dambeeyo halka Guudlaawe oo tartame madaxweyne ah uu doonayo inuu saameyn ku yeesho baarlamaanka iyo nidaamka cusub ee loo dhisayo Hirshabelle.

Labada nin, waxyaabaha ay isku diidan yihiin waxaa ka mid ah xulista xildhibaannada, oo sida ay sheegayaan dad ku sugan Jowhar, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa dadaal badan waxaa uu gelinayaa sidii ay u soo laaban lahaayeen xildhibaannadii hore ee Hirshabeelle, kuwaas oo intooda badan olog la ahaa Cali Guudlaawe, madaxweyne Waare oo sugan Xamar uu arrimo kale wado.

Inkasta oo baarlamaanka lagu wado in lagu dhawaaqo maalamaha soo socda ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in dowladda federaalka ah ay damacsan tahay iney farageliso arrimaha dhismaha baarlamaanka 2aad.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee DF oo weli ka maqan hawlaha socda ayaa la sheegayaa in laga yaabo in wafdi ka socda ay tagaan magaalada Baladweyn si ay Xawaadle uga dhaadhiciyaan ku soo biirista dhismaha Hirshabelle.

Dad badan ayaa ka shaki qabo faragelin ay dowladda federaalka ah ku sameyso nidaam u dhisidda Hirshabelle, taasi oo ciwaan u noqon doonta sida ay Villa Somalia ka yeeli doonto doorashada guud ee dalka 2020/2021.

Goobjoog News