U bood dhigaalka

Jowhar: Ganacsato Lacag Siin Jirtay Al-shabaab Oo La Xiray

Sheeko:Amniga

Ciidamada ammaanka ee magaalada Jowhar ayaa howlgal 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka sameeyeen magaaladaasi waxa ay ku xireen in ka badan 10 qof oo ganacsato ah.

Ganacsatadan la xirey ayaa lagu eedeeyey iney lacago siiyaan Al-shabaab, iyadoo ammarka xariggooda la sheegay inuu bixiyey maamulka Sh/dhexe.

Sidoo kale ciidamada ayaa raadinaya ganacsato kale oo bil walba lacag lagu sheegay Canshuur u geeya Xarakada Al-shabaab.

Cabsi weyn ayaa xilligan soo wajahday ganacsatada ku dhaqan magaalada Jowhar, iyadoo maamulka Gobolka Sh/dhexe weli aanu arrintaasi ka hadal.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News